11.Oo isu kaanna daa Aniga iyo kuwa beeniya (Aayadaheyga),kuwa ladan ee nic- mada badan heysta, oo u sug in xoogaa ah
14.Maalinta marka dhulka iyo buuruhu gilgilan gil-gilasho xoog leh, oo buuruhu ahaan (sida) bacaad la shubay
15.Hubaal Waxaanu idiin soo dirnay Rasuul, markhaati idinku ah, sida aan ugu soo dirnayba Rasuul xagga Fircoon
17.Ee sidee baad isaga celin doontaan (cadaabka), haddii aad gaalowdaan, Maalin ka dhigi carruurta cirroole
20.Hubaal Rabbigaa waa og yahay inaad isku dhaafiso (salaad) ku dhowaad saddex meeloodoo labo meelood habeenka, (mararka qaarna) barkiis ka mid ah, (marmarna) saddex meeloodoo meel ka mid ah, oo sidaa oo kale bay yeelaan qayb ka mida kuwa kula jira. Oo Allaah baa qaddara habeenka iyo maalinta. Wuxuu og yahay inaydaan kareyn inaad fashaan sidaas (habeenkii oo dhan), sidaa awgeed wuxuu idiinku soo noqday (si naxariis leh). Ee akhriya waxa idiin fudud oo Qur’aanka ka mid ah. Wuxuu og yahay inay idin ka mid ahaan doonaan kuwa buka, iyo kuwo kale oo ku safra dhulka iyagoo dalbaya Deeqda Ilaahay; iyo kuwo kale oo u dirira Arrinka Ilaahay. Ee akhriya intii idiin fudud oo ka mid ah, oo hagaajiya salaadda oo bixiya Zakada, oo amaahsada Allaah Amaah wanaagsan. Oo waxaad u hormarsataan nafahiinna oo khayr ah waxaad ka heli doontaan Allaah agtiisa; sidaas baa khayr badan oo ajar weyn. Oo weydiista Dambi dhaaf Ilaahay. Hubaal, Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan