7.Hubaal, Rabbigaa baa aad u Ogsoon, kan ka dhuma Jidkiisa, oo Isaga baa aad u Ogsoon kuwa raaca tubta toosan
17.Hubaal Waxaan u imtixaannay sidii aanu u imtixaannay qoladii iska lahaa beerta, waa tii ay ku dhaarteen inay hubaal goosanayaan midhaha aroorta horeba
28.Koodii u wanaagsanaa baa yidhi: Miyaan idinku odhan: Maxaad u hufi weydeen (Allaah) oo u xurmeyn weydeen
29.Waxay yidhaahdeen: Xurmo oo idil waxaa iska leh oo hufan Rabbigeen. xaqiiq waxaanu nahay gar ma qaatayaal
32.Waase intaasoo uu Rabbigeen noogu beddelo beer ka wanaagsan tani. Hubaal xagga Rabbigeen baanu codsi u direynaa
39.Mise waxaad naga heysataan ballan Xaggayaga ah lagu adkeeyey dhaar gaaraysa ilaa Maalinta Qiyaamaha inaad hubaal heli doontaan waxaad dalabtaan
42.Maalinta marka dhudhunka la feydo (dhudhunka Ilaahay) oo loogu yeedho inay sujuudaan, mase ahaan doonaan kuwo kara (waa gaalada iyo munaafiqiinta). (dhudhunka la feydo waxaa sidoo kale lagu fasiray ay jirto shiddada iyo dhibaatada, waa Maalinta Qiyaamaha)
43.Indhahoodu waxay ahaan doonaan kuwo hoos u rogan, dulli baa dabooli doona; oo xaqiiq waxaa loogu yeedhi jirey inay sujuudaan iyagoo weliba fayow
44.Ee isu kaana daa Aniga iyo kuwa beeniya warkan; waxaan ka qaban doonnaa si heerar ah meel aysan ka fileynba
48.Ee u sug si samir leh Xukunka Rabbigaa, oo ha noqonnin sida (Nabi Yoonis) rafiiqii nibiriga,_markuu dhawaaqay isagoo walbahaarsan
49.Haddii aysan Nicmad xagga Rabbigi ah haleesheen, waxaa hubaal lagu tuuri lahaa cidla’ bannaan isagoo eedeysan
51.Oo kuwa xaqa diida waxay sigaan inay kugu gubaan indhohooda (dhabatoda) naceyb gala awgiis markay maqlaan Waanada; oo waxay yidhaahdaan: Kani hubaal waa waalan yahay