2.Kan abuuray geeri iyo nolol, si uu idiin imtixaano bal kiinna camal wanaagsan. Oo waa Adkaadaha, Dambi Dhaafka Badan
3.Kan abuuray toddobada samooyin oo midba midka kale ka korreeya, ku arki mey- sid wax isdhaafsanaan ah abuurka (Ilaahay) Raxmaanka.Ee ku celi araggee: Miyaad ku arki kartaa wax nidaam darro ah
4.Misna ku celi aragga mar kale iyo mar kale, araggaagu adiga buu kugu soo laabanayaa isagoo wareersan oo daallan
5.Oo xaqiiq Waxaan ku qurxinnay samadan soke nalal, oo Waxaan ka dhignay gantaallo lagu gano shayaadiinta2, oo waxaanu u diyaarinnay cadaabta gubashada
8.Waxay ku sigan inay la qaraxdo cadho. Mar kastoo guuto lagu tuuro, wuxuu waardiyaheeda su’aali: Ma wuusan idiin imaan dige
9.Waxay odhan: Haayoo xaqiiq waa noo yimid dige, waanse beeninnay oo nidhi: Allaah ma soo dejin wax (waxyi ah), waxaad uun idinku ku sugan tihiin habow aad u weyn
12.(Ma xagga) kuwa ka baqa Rabbigood sir (iyo saaqba) waxay hubaal leeyihiin Dambi Dhaaf iyo Ajar aad u Weyn
14.Sow ma uu yaqaanno Kan abuuray4? Oo waa Isaga Roonaan Badanaha Ogsoon xitaa waxyaalaha aad u yar yar, ka War Haya (wax walba)
15.Isaga (Allaah) Weeye Kan idiinka dhigay dhulka hayin, ee ku socda aagag-giisa waasica ah, oo wax ka cuna risiqiisa, oo Xaggiisa bay ahaan u soo Bixiddu
16.Ma waxaad ka aamin tihiin in Kan (Alle) ka kor ah cirka idinla gooyo arlada, mise eeg,oo markaas idin la dhaqdhaqaaqdo
17.Mise ma waxaad aamin ka tihiin in Kan (Alle) ka kor ah cirka, uu idiin soo diro dabeyl kulul oo habaas wadata? Marka waad ogaan sidee aheyd Digniinteydu
19.Mawaysan arkayn shimbiraha korkooda ah ee fidinaya (baalashooda) oo isku soo laabaya? Ma jiraan wax haya iyaga aan aheyn Raxmaanka (Allaah). hubaal, wax walba waa uu Arkaa
20.Ama waa kee kan idiin noqon kara ciidan idiin soo gargaara Raxmaanka (Allaah) sokadi? Gaaladu kuma sugna waxaan aheyn hodnaan
21.Ama waa kee kaa idin siin risiq haddii uu Isagu (Alle) ceshado Risiqiisa? Bal, waxay ku adkeystaan kibir iyo didmo
23.Dheh: Isaga weeye (Alle) Kan idin uumay, oo idiin yeelay dhegaha iyo indhaha iyo laabaha.Yaraa inta aad mahad naqdaan
27.Markayse arkaan iyadoo ku soo dhow, wejiyada kuwa Xaqa diida waxay ahaan kuwo ka xun, oo waxaa lagu odhan: Waa kan waxaad u yeedhan jirteen
28.Dheh: Ma u fiirsateen haddii Allaah i halligo aniga iyo inta ila jirta, amaba noo naxariisto, bal yaa ka badbaaadin gaalada cadaab aad u xanuun badan
29.Dheh: Isagu waa Raxmaanka (Allaah), waanu rumeysanahay, oo isaga baan isku halleynaa. Marka waad ogaan doontaan waa kee kan ku sugan habow caddaan ah
30.Dheh: Ma u fiirsateen haddii ay biyihiin- nu dhulka ku guraan oo hoos ugu sii fogaa- daan,waa kee kan idiin keeni biyo socda