1.Waxa jira samooyinka iyo waxa jira arlada baa Xurma weyneeya oo Hufa Allaah. Isaga baa leh Boqortooyada, oo Isaga baa leh Ammaan idilkeed iyo Mahadba, oo wax walba Kara
2.Isaga weeye (Alle) Kan idin abuuray, mise mid idinka mid ah waa gaal, oo mid kale oo idinka mid ah waa m’umin. Oo Allaah waa uu Arkaa waxa aad fashaan
3.Wuxuu ku abuuray samooyinka iyo arlada Xaq, oo waa uu idin suureeyey oo ka dhigay wax wanaagsan suuradahiinna, oo waa Xaggiisa Noqodka Dambe
4.Wuxuu Ogsoon yahay waxa jira samooyinka iyo arlada, oo Wuxuu Ogsoon yahay waxa aad qarisaan iyo waxa aad muujisaanba. Oo Allaah waa Ogsoonaha waxa ku jira laabaha
5.Ma wuusan idin soo gaarin warka kuwii xaqa diiday awal hore, markaas bay waxay dhadhamiyeen cidhib xumadii arrinkooda, oo waxay leeyihiin cadaab xanuun badan
6.(Arrin)kaasi waxaa ugu wacan waxay ula yimaadeen Rusushoodii xujooyin cad, waxayse yidhaahdeen: Ma dad dhimanaya baa na hanuuninaya? markaasay gaaloobeen, oo ka jeesadeen (Xaqa), oo Allaah uma baahna (cidna) oo Allaah waa Isku Filan Deeqtoon, la Ammaano
7.Kuwa gaalooba waxay moodaan inaan marnaba la soo bixin doonin (iilka). Dheh: Haayoo! waa igu Rabbigaye, wallee waa la idiin soo bixin, markaas waxaa la idiin sheegi waxaad fasheen, oo (arrin)kaasi Allaah waa u fududdahay
8.Ee rumeeya Allaah iyo Rasuulkiisa iyo Nuurka (Qur’aanka) aan soo dejinnay. Oo Allaah waa ka war hayaa waxa aad fashaan
9.Maalinta uu idiin soo kulmin idinkoo dhan Maalinta Kulanka2, taasu waa maalinta qof khayr helo ama ku dhacdo khasaaro ku weyn. Oo mid kastoo rumeeya Allaah oo sama fala, Wuxuu ka tiri dam- biyadiisa, oo gelin Beero ay hoostoodu webiyo qulqulaan ay ku dhex waarayaan weligood, taasi waa Liibaanta Weyn
10.Oo (ma xagga) kuwa gaalooba oo beeniya Aayadahayaga kuwaasu waa ehlu-Naar, iyagoo ku dhex waaraya weligood. Iyadaana u xun aayotiin ahaan
11.Ma jirto wax masiibo ah oo dhaca ilaa waxay ku dhacdaa Idanka Ilaahay. Oo mid kastoo rumeeya Allaah, wuxuu hanuuniyaa qalbigiisa ( oo xasila) oo Allaah wax waliba waa uu Ogsoon yahay
12.Oo adeeca Allaah, oo adeeca Rasuulka, haddiise aad dib u jeesataan, waxaa saaran Rasuulkayaga oo keliya Gaarsiin Cad
13.Allaaah! Ma jiro Ilaah (Xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn, oo Allaah (oo Keliya) ha isku halleeyaan mu’miiniintu
14.Kuwiinaan idinku rumeysanow! Dhab ahaan, waxaa ka mid ah afooyinkiinna iyo carruurtiinna kuwo cadow idiin ah, ee ka digtoonaada! Haddiise aad iska cafidaan ( gefafka ay idinka galaan) oo saamaxdaan (adduunyo wixii la xidhiidha), oo u ceeb asturtaan, haddaba hubaal, Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan
15.Maalkiinna iyo carrurtiinna waa oo keliya imtixaan3, Oo Allaah agtiisa waxaa ah abaalgud aad u Weyn (Janno)
16.Ee Dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah intii karaankiinna ah4; oo maqla, oo adeeca, oo la baxa sadaqo, idinka naf ahaantiinnay idiin roon tahay. Oo mid kastoo laga badbaadiyo bakheylnimada naftiisa, kuwaasi weeye kuwa ah guuleystayaasha
17.Haddii aad amaahisaan Alle amaah wanaagsan (waa bixisaan sadaqo Ilaahay darti), Waa uu idiin labo laabayaa, oo idin dambi dhaafi. Oo Allaah waa labolaabe ajarrada, Dul qaad Badan