عبدالله حسن یعقوب · Soomaaliga, af Soomaali

1.Kuwiinaan idinku rumeysanow! Ha ka dhigannina cadowgeyga iyo cadowgiinnaba gacallo2, ma waxaad u muujinaysaan jaceyl xaggooda, iyagoo dafira waxa idiin yimid oo Xaqa ah. u saaraya debedda Rasuulka iyo idinkaba inaad rumeyseen Allaah, Rabbigiin darteed? haddii aad soo baxdaan idinkoo u jihaadaya Jidkeyga oo dalbaya Raallinimadeyda, ma waxaad u muujinaysaan jaceyl xaggooda? Oo anigu waan Ogsoonahay waxa aad qarisaan iyo waxa aad muujisaanba; Oo mid kastoo idinka mid ah oo sidan fala, wuxuu dhab ahaan ka lumay Jidka Toosan
4.Dhab ahaan waxaa idiinku sugan ku dayasho wanaagsan Ibraahiim iyo kuwii la jiray3, markay ku yidhaahdeen dadkoodii: Waxaan innagu bannaanka ka nahay idinka iyo wax kasta oo aad caabuddaan Allaah sokadi, waxaanu caddeyn inaan bannaanka idinka nahay, oo cadaawd iyo naceyb baa ka muudqday dhexdeenna innaga iyo idinka abad ah jeer aad rumaysaan Allaah keliya-- marka laga reebo qowlkii Ibraahiim ku yidhi aabbihi: Waxaaan xaqiiq kuu baryayaa dambi dhaaf Alle4, umase lihi wax awood ah aan wax uun kaaga qabto Allaah horti. Rabbigayow! Adigaynu isku kaa halleynaa, oo Xaggaaga u soo laaban- naa, oo waa Xaggaagaa noqodka dambe
10.Kuwiinaan idinku rumeysanow! Marka ay haween mu’minooyin ah idiin yimaadaan iyagoo haajiroooyin ah, markaa imtixaana iyaga; Allaah baa aad u ogsoon iimaankooda; markaa haddii aad ogaataan inay yihiin mu’minooyin dhab ah, ha u celinnana gaalada, uma aha (dumarkani) xalaal iyaga, oo uma aha (nimanka gaalada ah) xalaal iyaga oo siiya meherradooda. Oo ma jiro wax eed ah oo korkiinna ah inaad guursataan marka aad siisaan meherradooda, oo ha u haysannina haweenka gaalada (mushrikiinta) ah afooyin ahaan, oo weydiista (in la idiin soo celiyo) wixii aad bixiseen (Meher ahaan) oo iyaguna (gaalada) ha weydiistaan in dib loogu soo celiyo wixii ay bixiyeen (meher ahaan). Kaasu waa xukunka Ilaahay, Isaga baa idin kala xukumi. Oo Allaah waa wax kasta Ogsoone, Xakiim ah