عبدالله حسن یعقوب · Soomaaliga, af Soomaali

1.Wax waliba oo ku sugan samooyinka iyo arlada waxay xurmo weyneeyaan oo nazahaan Allaah, oo waa Isaga Adkaadaha, Xakiimka ah
20.Ogaada inay nolosha adduunkan tahay oo keliya cayaar iyo dheeldheel iyo isqurxin iyo isu faan dhexdiinna ah iyo ku tartan badsiga maal iyo carruur, sida roobka soo saara naqa, oo bixiddiisu tahay mid farax gelisa tallaalayaasha beeraha; markaas qallasha oo aad aragto iyada oo isu beddeleysa huruud, markaas noqota xaabo burbur ah. oo Aakhirada (waxaa jira) cadaab daran iyo (sidoo kale) dambi dhaaf xagga Allaah ah iyo Raallinnima(diisa), oo Noloshan adduunku ma aha waxaan ahayn oo keliya sahay lagu dagmo
27.Markaas baan waxaan ka yeellay Rusushayada inay qaadaan raadadkooda, oo Waxaan soo dirnay Ciise_wiilkii Maryam, oo waxaan siinnay Injiilka. Oo waxaan yeellay quluubta kuwii raacay isaga nuglaan iyo naxariis. Oo ( ma xagga) suufinnimada (adduun ka jeedsiga)11, iyagaa unkaday oo billowday, Annagu kuma aan waajibin iyaga, waxay uun u faleen doonidda raalli ahaanshaha IIaahay darteed, mase ayan ilaalin dowgii ay laheyd. Markaa baan waxaan siinnay kuwoodii ka mid ahaa ee rumeeyey abaalgudkooda, intooda badanse waa caasiyaal