3.Oo way beeniyaan oo raacaan waxa xun ay nafahoodu rabaan. Oo arrin kasta wuxuu leeyahay meel uu ku sugnaado
9.Iyaga hortood Qolodii Nuux baa beeniyey, markaasay beeniyeen addoonkayagii oo yidhaahdeen: waa nin waalan, oo la handaday
12.Oo ka soo burqinnay dhulka ilo (biyo ah). markaasay biyihii (cirka iyo dhulka) is qabteen oo ku kulmeen arrin la qaddaray
24.Markaasay waxay yidhaahdeen: Ma qof keliya ah ee naga mid ah! miyaan raacnaa? Hubaal waxaanu markaas xaqiiq ku sugnaan habow iyo dhibaato
31.Hubaal Waxaan ku ridnay dushood Qeylo keliya, markaasay waxay noqdeen sida jabad burburay ee dhulka laga xaaqo
32.Oo dhab ahaan Waxaan ka yeellay Qur'aanka mid sahlan si loo xusuusto, ee ma jiraa mid ku waantoobi
34.Hubaal Waxaan ku ridnay duufaan dhagaxyo wadata Reer Luud ma’ahee, waa aan badbaadinnay waaberiga hortiis
37.Oo dhab ahaan Waxay ku dadaaleen inay ka jeediyaan martidiisii, waxaanse cameynay indhahooda, ee dhadhamiya cadaabteyda iyo digniinaheyga
40.Oo dhab ahaan Waxaan ka yeellay Qur’aanka mid sahlan si loo xusuusto, ee ma jiraa mid ku waantoobi
51.Oo dhab ahaan Waxaan horay u hallignay kuwii idin la midka ahaa ee ma jiraan mid uun isagu ku waantoobi