16.Gala si aad ugu gubataan, markaa ku sabra ama ha ku sabrina - waa isugu kiin wada mid, Waxaa uun laydinka goyn waxaad fali jirteen
18.Iyagoo ku raaxeysan waxa uu siiyey Rabbigood, oo Rabbigood Wuxuu ka badbaadshay cadaabta Naarta ololeysa
20.Waxay ku jiqleysan doonaan sariiro heer sare ahoo la safay. Oo waxaanu u guurin dumar leh indho waasic ahoo (qurux badan)
21.Oo (ma xagga) kuwa rumeysan oo ay durriyadoodu ku raacdo Iimaanka,_ waxaanu isu wada keeni doonnaa durriyadooda, oo waxna kama dhimi doonno camalkooda. Qof walbaa wuxuu mas’uul ka yahay waxa uu kasbado
23.Waxay isu dhiib-dhiibi doonaan galaas (khamro xalaal) ah aan lahaan doonin wax ah laqwi iyo dambi midkoodna
28.Hubaal Waxaan innagu awal hore baryi jirnay Isagoo (Keliya). Hubaal, waa Isaga Baarriga , Naxariista Badan
29.Ee waani (Muxammadow), Waayo adigu ma tihid waa igu Nicmadda Rabbigaa, faallalow iyo ku waalan midna
43.Mise ma waxay leeyihiin ilaah aan ahayn Allaah? Xurmoo dhan waxaa iska leh Allaah oo ka nazahan waxa ay la wadaajiyaan (cibaadada)
44.Oo haddii ay arki lahaayeen gabal cirka ka mid ah oo soo dhacaya7. waxay odhan lahaayeen: Waa daruur is dul saaran
47.Oo hubaal waxay kuwaa ah gar ma qaatayaasha la kulmi doonaan cadaab taa ka sokow (adduunka gudahi8) laakiinse badankoodu ma ay ogsoona
48.Ee u sug si samir leh xukunka Rabbigaa, waxaad hubaal tahay indhahayaga hortood, oo ku tasbiixso Ammaanaha Rabbigaa marka aad soo kacdoba