16.Iyagoo qaadanaya waxa uu Rabbigood siiyey. Hubaal waxay ahaayeen ka hor (arrin)kaasi sama falayaal
25.Waa tii ay u soo galeen, oo yidhaahdeen: waa nabad, wuxuu yidhi: nabad. (waxaad tihiin) qolo aan la garaneyn
28.Markaas baa waxaa ka galay dareen cabsi ah. Waxay yidhaahdeen: Ha cabsan, oo waxay ugu bishaareeyeen wiil aqoon leh
29.Markaas bay soo aadday haweeneydiisii iyadoo yaabban, oo iska dharbaaxday wejigeeda, oo tidhi: Ma habar ma dhasho ah oo duqowday
51.Oo ha u yeelina Allaah, Ilaah kale oo la dhig ah. Hubaal Waxaan idiin ahay diga cad ka yimid Xaggiisa
52.Waa sidaase, ma jiro Rasuul u yimid kuwii iyaga ka horreeyey oo aysan odhan: waa Saaxir, ama nin waalan
59.Oo hubaal kuwa gar ma qaatayaasha ah waxay la kulmi doonaan saami la mid ah saamigii asxaabtood, ee waxba yey dalbin in aan u soo dedejiyo