2.Bal, waxay la yaabban yihiin inuu u yimid dige ka mid ahi iyaga. Oo gaaladu waxay yidhaahdaan: Kanu waa wax la yaab leh
4.Waxaan ognahay dhab ahaan waxa uu dhulku ka dhimo iyaga, oo agtannada wa- xaa ah Kitaab wax walba kooba oo xafidan
6.Mawaysan haddaba fiirin samada korkooda ah, sida aan u dhisnay oo u qurxinnay, oo ma laha wax duleello ah
7.Oo dhulka Waxaanu ka yeellay mid fidsan, oo ku sugnay buuro, oo waxaan ka yeelany inay ka soo dhex baxaan dhir qurxoon oo cayn walba leh
11.Risiq ay leeyihiin addoomaha. Oo waxaan ku nooleynaa dhul dhintay. Sidaas oo kale bay ahaan doontaa soo bixintu
14.Iyo reer hawdkii iyo qolodii Tubbac; dhammaan waxay beeniyeen Rususha, waxaana ku dhacay gooddigeyga
16.Oo dhab ahaan waxaan abuurnay aadmiga, oo waa ognahay waxa ay naftiisu kula hadasho. Oo waxaan uga dhownahay xididka dhuunta
17.Marka ay labada xilqaade (malaa’igta wax qoreysa) qaadaan xilkooda, iyagoo kala fadhiya dhinaca midig, iyo dhinaca bidix
22.Xaqiiq waad ka dhoohnayd arrinkan, haatanse kaa qaadnay daboolkaagii, marka araggaagu maanta waa xoog badan yahay
27.Rafiiqiisii wuxuu odhan: Rabbigayow! Anigu ma aanan u horseedin xadgudub, laakiinse isagaa naf ahaantiisa ku sugnaa habow aad u fog
30.Maalinta aan ku odhan Naarta: Ma buuxsantay? Oo waxay odhan: Ma jiraan wax dheeraad ah oo la soo wado
32.Kani waa waxa la idin ballan qaaday, Waxaa iska leh mid walboo u soo laabasho badiya (Allaah), dhowra xuduuddiisa
35.Waxay ku leeyihiin gudaheeda wixii ay doonaan,_oo waxaan u heynaa weliba wax intaa ka badan (Eegidda Wejiga Ilaahay)
36.Oo badanaa inta fac aan rognay iyaga hortood, kuwaasoo ahaa kuwo ka xoog badan oo dhulalka xulay. Ee ma jirtaa meel la magan galo
38.Oo dhab ahaan Waxaan ku abuurnay samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya lix maalmood oo nama soo gaarin wax daal ah
39.Ee u samir yeelo waxa ay leeyihiin, oo ku tasbiixso Ammaanaha Rabbigaa ka hor qorrax soo baxa iyo ka hor inta aanay dhicin
44.Maalinta uu dhulku ka dillaaci doono gaballo hoostooda, markaasay dhaqso ku soo bixi doonaan, kaasu waa soo kulmin noo fudud
45.Annaga baa aad u ogsoon waxa ay leeyihiin; oo adigu ma ahid mid qasab ku leh. Ee ku waani Qur’aanka, kan ka cabsada Gooddigayga