عبدالله حسن یعقوب · Soomaaliga, af Soomaali

1.Hubaal Waxaanu ku siinnay (Muxammadow) furasho caddaan ah
25.Waa iyaga (mushrikiinta Quraysh) kuwa gaaloobay oo idinka celiyey Al-Masjid Al-Xaraam oo (ka xayiray) hadyiga inuu gaaro meeshiisa gawraca7. Oo haddii aysan jireen rag mu’miniin ah iyo haween mu’minooyin ah oo aydaan ogaan, oo laga yaabo in aad wax yeeshaan, taasoo dambi idinka soo gaarayo iyo mashaqo ogaal la’aan darteed (Allaah waa uu idiin fasaxi lahaa); waa si uu Allaah u sababo inuu geliyo Naxariistiisa cidduu doono_, haddii iyagu (mu’miniinta iyo gaalada) kala soocmi lahaayeen, waxaan hubaal cadaabi laheyn kuwooda ka mid ah ee gaaloobay cadaab xanuun badan
29.Muxammad waa Rasuulka Ilaahay, kuwa la jirana waa qalbi sugan yihiin lidka gaalada, isu naxariis badan yihiin dhexdooda; waxaad arki doontaa iyagoo Rukuucsan, sujuudsan, dalbaya deeqda Ilaahay (iyo) Raallinimo(diisa). Astaamahooda waxay ka muuqdaan wejiyadooda raadka sujuuddooda darteed; Taasi waa tilmaantooda ku taal Towraadda. Oo tilmaantooda ku taal Injiilka waa sida (abuur) la beeray la soo kacda madaxeeda, markaas yeelata xoog, oo noqota gahayr, oo ku istaagta iyadoo toosan salkeeda, iyadoo farax gelineysa beeroleyda_ si uu Isagu ugu ciilo gaalada. Allaah wuxuu u ballan qaaday kuwooda ka mid ah ee rumeysan oo samaha fala Dambi Dhaaf iyo Abaal gud aad u Weyn