4.Oo waxay la yaabaan inuu u yimaado dige ka mid ah. Oo waxay gaaladu yidhaahdaan: Kanu waa saaxir, beenaale
5.Ma wuxuu ka soo qaaday isagu ilaahyada Mid (Allaah) Keliya? Waa wax la yaab leh waxakani xaqiiq ahaan
6.Oo odayaashii ka mid ahaa way soo dhaqaaqeen ( iyagoo leh ): Socda, oo ku sabra oo sugnaada ilaahyadiinna. hubaal, (arrin)kanu waa wax laynala doonayo
7.Weligayo kuma aanu maqal (arrin)kan oo kale diintii hore3. (Arrin)kani ma aha waxaan aheyn been abuur
8.Ma waxaa lagu soo dejiyey Waanada isaga (keliya) dhexdeenna? Bal! Waxay ka shaki qabaan Waanadeyda. Bal wali ma aysan dhadhamin Cadaabtayda
9.Mise ma waxaa weeye inay hayaan khasnadaha Naxariista Rabbigaa, Adkaadaha, Deeqsiga ah aad wax u bixiya
10.Mise ma waxaa weeye inay iyagu leeyihiin Boqortooyada cirarka iyo dhulka iyo waxa u dhexeeya? Haddaba ha u koreen salaanno xagga (samada haddii ay karaan)
17.U samir waxa ay leeyihiin, oo xusuuso addoonkayaga Daawuud, ee awoodda lahaa. Hubaal wuxuu ahaa mid (Ilaahay) u soo laabasho badan
18.Hubaal Waxaanu Annagu ka yeelnay buuraha inay kula tasbiixsadaan (Alla) ammaan iyo mahdin iyo hufid galab dhaca iyo qorrax soo baxaba
20.Oo Waxaanu adkaynay mullkigiisa, oo Waxaanu siinnay xikmad iyo hadal cad oo lagu kala baxo garsoor wanaagsan ah
21.Oo ma ku soo gaaray warka dood qabayaashii, marka ay ugu soo dhaceen Mixraabka iyagoo soo tafaya derbiyada
22.Marka ay u soo galeen Daawuud, markaasuu ka baqay; waxay yidhaahdeen: Ha cabsan! (waxaanu nahay) labo dood qabta, uu midkayo ku gardarrooday midka kale, sidaa darteed noogu kala garsoor si caddaalad ah, oo iska jir gar eexo, oo nagu hanuuni jidka toosan
23.Hubaal kani waa walaalkay; wuxuu leeyahay sagaal iyo sagaashan sabeenood, halka aan anigu leeyahay sabeen keliya. Wuxuuse yidhi: ii xil saar iyadana, oo waa iga dood adkaaday
24.Wuxuu yidhi: Hubaal waa uu kugu gefay ku weydiisigiisa sabeentaada si uu ugu darsado sabeenihiisa. Oo hubaal in badan oo kuwa wax isku darsada ahi xaqiiq way isku xadgudbaan qaarkoodba qaarka kale, marka laga reebo kuwa (xaqa) rumeysan oo samaha fala, oo aad bay u yar yihiin kuwaasu. Oo Daawuud wuxuu gartay inaan imtixaannay, markaasuu ka dalbay Dambi Dhaaf Rabbigi oo wuxuu la dhacay rukuuc, oo badiyey u noqdashada(Xagga Ilaahay)
25.Markaas baan u dambi dhaafnay (arrin)kani, oo hubaal wuxuu Agtayada xaqiiq ku leeyahay dhowaansho iyo meeqaan aad u wanaagsan
26.Daawuudow! Hubaal waxaan kaaga dhignay taliye dhulka, ee ku kala xukun dadka si caddaalad ah, oo ha raacin waxa (xun) ay naftu doonto _si ayan kaaga lumin Jidka Ilaahay, (ma xagga) kuwa ka luma Jidka Ilaahay waxay hubaal mudan doonaan cadaab daran, illowgooda Maalinta Xisaabta darteed
27.Oo uma aanu abuurin samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya ujeeddo la’aan. Sidaasu waa malaha kuwa xaqa diida. Ee hoog waxaa leh kuwa xaqa diida xagga Naarta ah
28.Ma waxaanu la mid dhignaa kuwa (Xaqa) rumeysan oo samaha fala sida kuwa ku fala fasahaad arlada? mise ma waxaanu ka dhignaa kuwa iska jira xumaha sida faajiriinta
29.(Kani) waa Kitaab aan kuu soo waxyoonnay barako badan si ay uga fiirsadaan Aayadihiisa iyo si ay wax garadku ugu waantoobaan
30.Oo Waxaan Daawuud siinnay Sulaymaan. Wacanaa addoonku. hubaal, wuxuu ahaa mid noo soo laabasho badan
31.Waa tii loo soo bandhigay goor galab ah (fardo) sugan marka ay taagan yihiin oo aad u dheereeya marka ay ordayaan
32.Markaasuu wuxuu yidhi: Hubaal waxaan ka door biday waxyaalaha wanaagsan xuska Rabbigay ilaa ay dhacday qorraxdii
34.Oo xaqiiq Waxaanu imtixaannay Sulaymaan, oo aan saarnay kursigii boqortooyadiisii oogo, markaasuu u soo laabtay (Allaah oo toobad keenay)
35.Wuxuu yidhi : Rabbiyow! Ii Dambi dhaaf oo i sii boqortooyo aan ku habbooneyn (inuu dhaxlo) cid iga dambeysa. Adigaa Bixin Badane ahe
41.Oo xus addoonkayaga Ayyuub, marka uu u dhawaaqday Rabbigi (isagoo leh): Wuxuu Shaydaan igu taabtay silic iyo saxariir
43.Oo Waxaanu siinnay ehelkiisii, iyo kuwo la mid ah oo la jira, Naxariis Xaggayaga ah,oo waano u ah wax garadka
44.Oo ku qaad gacantaada xirmo dhangado yar ah oo ku dhufo oo ha jabin dhaartaada12; hubaal waxaanu hellay inuu yahay samir yeeshe dul badan. Wacanaa addoonku, hubaal wuxuu ahaa mid (Ilaahay) u laabasho badan
59.Kuwakani waa guuto lagu soo tuurayo qiimo la’aan la jirkiin, Ma leh soo dhoweyn! Hubaal waxay geli doonaan Naar
60.Waxay odhan: Mayee idinkaan soo dhoweyn lahayn! Idinkaa noo horseeday iyada, ee xumaa fariisan guntii la degaa
61.Waxay odhan: Rabbigayow! Kii noo horseeday waxakani ugu dar cadaab labo jibbaar ah Naarta gudaheeda
65.Dheh anigu sideedaba waxaan ahay oo keliya dige, oo ma jiro ilaah (Xaq ah) aan ahayn Allaah, Waaxidka, Awoodda sare leh
72.Ee marka aan ebyo sameyntiisa isagoo dhan oo aan ku afuufo ruuxayaga, markaas ula dhaca sujuud (salaan ahaan)
75.(Alle) wuxuu yidhi: Ibliisow! Maxaa kuu diiday inaad salaan qaadasho ahaan ugu sujuuddo mid aan ku abuuray labadeyda Gacmood, miyaad isla weyn tahay, mise waxaad ka mid tahay kuwa isla sarreeya
76.(Ibliis) wuxuu yidhi: Aniga baa ka khayr badan isaga, waxaad iga abuurtay dab, oo isaga waxaad ka abuurtay dhoobo
82.(Shaydaan) wuxuu yidhi: Waa igu Cisa- daadee, hubaal waxaan ka yeeli inay noolaadaan nolol baas oo xun dham- maantood oo waa dhumin geddigood
86.Dheh: Idinkuma weydiisanayo wax abaalgud ah, mana ahi mid ka mid ah kuwa is yeel yeela (oo isku dhiba waxaan la amrin)