6.U taga uun (galmooda) afooyinkooda ama kuwa ay gacmahoodu midig hantaan1 markaa hubaal ma ah kuwo eed leh
14.Markaas waxaan ka dhignay iniintii xinjir, oo waxaan ka dhignay xinjirtii rudmo yar oo hilib ah, oo waxaan u sameynay cadkii hilibka lafo, oo waxaan huwinnay lafihii hilib, markaas waxaan ka unugnay abuur kale. Ee waxaa barako Badan Allaah, Kan u Wanaagsan abuurayaasha
18.Oo Waxaanu ka soo shubnay biyo xagga daruurta in qaddaran oo qiyaas ah, oo dhignay dhulka, oo hubaal waan Karnaa inaan la tagno
19.Oo waxaan idiinku soo saarnay beero timir ah iyo canab oo aad ka heshaan midho badan oo aad wax ka cuntaan
21.Oo hubaal waxaa idiinku sugan xoolaha xaqiiq cibrad. Waxaan idinka waraabinnaa waxa ku jira uurarkooda, oo waxaa idiinku sugan, manaafacaad (kale) oo badan oo ay idiin leeyihiin, oo iyagana wax ayaad ka cuntaan
23.Oo xaqiiq Waxaanu u dirnay Nuux dadkiisii, markaasuu wuxuu yidhi: Dadkeygiiyow! Caabuda Allaah. Ma lihidin ilaah (Xaq ah) aan Isaga aheyn, ee miyeydaan haddaba ka joogeyn (xumaha)
24.Waxayse xildhibaannadii ka mid ahaa kuwaasi xaqa diiday oo ka mid ah qolodiisii yidhaahdeen: Kanu ma aha waxaan ahayn qof idinla mid ah, oo raba inuu idin ka sare maro, oo haddii uu Allaah doono, wuxuu soo diri lahaa malaa’ig, ma aanu ka maqal waxakan oo kale aabbayaashayadii hore
27.Markaasaan u waxyoonnay (Annagoo leh): “Ku samee doonnida Indhahayaga hortood iyo (si waafaqsan) Waxyigayaga, ee markuu Amarkayagu yimaado, oo togga biyo soo fataho, ku qaad doonnida noole walba lammaanki (lab iyo dheddig) iyo intii ku raacday, aan ahayn kuwaa qowlka (in la halligayo) horay ugu dhacay oo ka mid ah iyaga, oo ha igala hadlin (arrinka) kuwaa gar ma qaatayaasha ah, hubaal waa kuwo la qarqin (hafin) doono
28.Ee markaad ku dul fadhiisataan adiga iyo kuwaa ku wehliyaba doonnida, dheh: “Ammaan idilkeed iyo mahadba waxaa leh Allaah, ee naga babaadiyey qoloda gar ma qaatayaasha ah
32.Oo Waxaanu u soo dirnay dhexdood Rasuul4 (Nabi Huud) iyaga ka mid ah (oo amraya) Caabuda Allaah! Ma lihidin ilaah kale (Xaq ah) aan Isaga aheyn. Ee miyey- daan haddaba ka joogeyn (xumaha)
33.Oo xildhibaannadii ka mid ahaa dadkiisa ee rumeyn diiday (Xaqa) ee beeniyey la kulanka Aakhirada, kuwaasoo aan siinnay wax badan si ay ugu raaxeystaan noloshan adduunka waxay yidhaahdeen: “Kanu ma aha waxaan ahayn qof idin la mid ah. cunaya wax ka mid ah waxa aad cuntaan, oo cabbaya wax ka mid ah waxa aad cabtaan
34.“Oo haddii aad adeecdaan Aadmi idin la mid ah, markaa hubaal waxaad ahaaneysaan xaqiiq khasaara qabayaal
35.“Ma wuxuu idiinku gooddiyaa in markaad dhimataan oo aad noqotaan ciid iyo lafo in markaa aad ahaan doontaan kuwo la soo bixiyo (nooleeyo mar kale)
37.“Ma jirto (nolol) aan aheyn noloshayada adduunka! waan iska dhimannaa oo iska noolaannaa! Oo ma nala soo bixin doono (mar kale)
40.(Allaah) wuxuu yidhi: In yar kaddib, waxay hubaal ahaan doonaan kuwo ka shallaaya (waxa ay leeyihiin)
41.Markaasaa waxaa qabtay qarax si xaq ah, oo waxaan ka dhignay daad xoor. Ee meel daran ha ka dhaceen dadka ah gar ma qaatayaasha
44.Markaas Waxaan soo dirnay Rusushayada oo is raacsan, mar kasta oo uu u yimaado ummad Rasuulkeedu waa ay beeniyaan, kolkaas baan ka yeellay qaarba inay raacaan qaar kale, oo ka dhignay wax lagu sheekeysto. Ee meel daran ha ka dhacaan qolodii (Xaqa) rumeysan diida
46.Xagga Fircoon iyo xildhibaannadiisii, waxayse u dhaqmeen si isla weyni ah, oo waxay ahaayeen qolo isla sarreeya
47.Markaasay waxay yidhaahdeen: “Ma waxaan rumeysan labo nin oo nala mid ah oo dadkoodu innaga noo adeegaaan.”
50.Oo Waxaan ka dhignay wiilkii Maryam iyo hooyadiis calaamad, oo waxaanu ka siinnay hoy meel sare oo sugnaansho iyo ilo biyo socda leh
51.(idinka) Rususha ahow! Ka cuna cuntada inta xalaasha ah wanaagsan oo sama fala. Hubaal waan ogahay waxa aad fashaan
52.Oo hubaal, Tani diintiinna ah ( Islaamka) waa diin mid keliya ah. oo Anigu waxaan ahay Rabbiigiin, ee dhowra (xilka aan idin saaray oo ka fogaada xumaha)
53.Waxayse u kala goosgoosteen diintooda dhexdooda kooxo, koox walbaa waxa ay haystaan7 ay ku faraxsan yihiin
60.Ee ah kuwa bixiya waxa ay bixiyaan (oo sadaqo ah), iyagoo qalbiyadoodu baqo ka qabto9 (inaan laga aqbalin oo yaqiinsan) inay Rabbigood u soo noqon doonaan
62.Oo ma saarno nafna culeys aan aheyn karaankeeda, oo Waxaa agtannada ah Kitaab ku hadla xaq, iyagoo aan loo gefi doonin
63.Mayee’ quluubtooda waxay kaga jiraan jahli daran kan (Qur’aankani), oo waxay leeyihiin acmaal (kale oo xun) oo kuwan u wehliya oo ay falaan
67.isla weyni darteed, hadal xun ka sheegaya11 (Qur’aanka) idinkoo ka tagaya sida kan ku caaweeya waxaan qiimo lahayn
70.Mise waxay leeyihiin: “waalli buu qabaa?” mayee, wuxuu u keenay Xaq, oo badankoodu waxay diiddan yihiin Xaqa
71.Oo haddii uu Xaqu raaci lahaa waxa (xun) ay iyagu rabaan, hubaal samooyinka iyo arlada iyo wax walba oo ku jiraaba way baabba’i lahaayeen. Mayee! waxaan u keennay xuskooda (Qur'aankan), ha yeeshee xuskooda way ka sii jeestaan
72.Mise waxaad adigu weydiisataa kharash? Kharashka Rabbigaa baa se kheyr badan, oo waa Isaga kan u wanaagsan inta risiq bixisa
75.Oo haddii aan u naxariisanno oo aan ka feydno waxa haya ee dhib ah, waxay weli ku sii adkeysan lahaayeen xad gudub- kooda, iyagoo indha la’aan ku wareegeysta
76.Oo Waxaan horay ugu qabannay cadaab, umase ayan hoggaansamin Rabbigood, oo ma khushuucin nafahooda
78.Oo Isaga (Allaah) weeye Kan idiin unkay dhegaha iyo indhaha iyo laabaha; waa yar tahay inta aad shukri naqdaan
80.Oo Isaga weeye Kan baxsha nolol, ee sababa dhimasho, ee leh (maareynta) isdhaafka habeenka iyo maalinta; ee miyeydaan haddaba wax fahmeyn
82.Waxay yidhaahdaan: “Ma markii aan dhimanno oo aan noqonno ciid iyo lafo, miyaa markaa nala soo bixin doonaa
83.“Xaqiiq, waa naloogu yaboohay waxakan, innaga iyo aabbayaashayadii horeba! Waxa kanina ma aha waxaan ahayn sheeko xariirtii dadkii hore
88.Dheh: “Kuma bay Gacantiisa ku jiraan mulkiga wax walba ee Isagu wax u gargaara, Isagana aan waxba laga gargaarsan karin, haddii aad garanaysaan
91.Marnaba Allaah ma yeelan wiil, oo marnaba ma ahaan la jirkiis ilaah (kale) - markaas wuxuu hubaal la tagi lahaa ilaah walba waxa uu abuuray, oo qaarkood waxay hubaal ka adkaan lahaayeen qaar kale. Ka hufan Allaah oo waa ka Sarreeyaa waxyaalaha ay tilmaamaan
92.Waa ogsoonaha waxa qarsoon iyo waxa muuqdaba! Ee Wuu ka sarreeyaa waxa ay la wadaajiyaan (cibaadada)
100.Si aan ugu falo wanaag wixii aan ka soo tegay14. “May ma jirto! Waa uun kelmad uu isaga hadlo, oo waxa horti ah Barzakh (xayir)15 aan furmeyn ilaa Maalinta la soo bixin doono
101.Ee marka la afuufo buunka, ma jiri doonto qaraabbannimo dhexdooda ah Maalintaas, waxnana isma weydiin doonaan
103.Oo ma kan uu miisaanka camalladiisa wanaagsan ay khafiif yihiin _ kuwan weeye kuwa waayi doona nafahooda iyagoo Naarta ku dhex waari doona
106.Markaa waxay odhan doonaan: “Rabbiyow! Shaqaabadayadii baa naga adkaatay, oo waxaanu aheyn qolo habowsan
107.Rabbiyow! Naga saar tani (Naarta); haddii aan mar kale u noqonno (xumaan), hubaal waxaanu nahay gar ma qaatayaal.”
109.Hubaal waxaa jiray qaar ka mid ah Addoomahayga oo odhan jiray: “Rabbiyow! waan Rumaysannahay ee noo dambi dhaaf, oo noo naxariiso, oo Adigaa u wanaagsan inta naxariisata.”
110.Waxaadse ka dhigateen dheel-dheel ilaa, ay idin illawsiiyeen Xusuddeydii, oo waadba ku qosli jirteen
113.Waxay odhan doonaan: “Waxaan joognay maalin ama maalin gelinkeed. balse weydii kuwo tiro yaqaanka ah.”
116.Ee waxaa Kor ah Allaah Boqorka Runta ah, ma jiro Ilaah (Xaq ah) aan Isaga ahayn, Rabbiga Carshiga Sharafta Badan
117.Oo mid kastoo barya Allaah la jirkiis ilaah kale, uma heysto wax xujo ah arrinkani, xisaabintiisu waxay uun la jirtaa Rabbigi. Hubaal gaaladu ma liibaani doonaan