2.Hubaal Waxaanu ka abuurnay Aadmiga mani2- yaroo nool isku dhafanta, si aynu u imtixaanno, markaas waxaan ka yeellay mid wax maqla, wax arka
5.Hubaal kuwa Baarriyiinta ah waxay ka cabbi doonaan galaas (khamro xalaal) ah oo lagu dheehay Kaafuur
9.(iyagoo laabta ka leh) Waxaan uu idiin quudinnaa Ilaahay Darti. idinkama rabno abaal gud iyo mahadnaq midna
13.Iyagoo ku dangiigsan sariiro korreeya korkooda, kuma arki doonaan dhexdeeda kuleylka qorraxda iyo qabow badan midna
14.Oo waxaa wax u dhow (ahaan doona) Hoosaskeeda, oo midhaheeda waxaa laga yeeli kuwo aad ugu dhow oo si sahal ah loo gaaro
19.Oo waxaa ku wareegaaleysan si ay ugu adeegaan wiilal da’ yar ah aan gaboobin. marka aad aragto, waxaad moodi luul la firdhiyey
21.Dharkoodu waa xariir jilicsan oo cagaaran iyo xariir adag. Oo waxa lagu qurxin jin-jimo qalin ah oo Rabbigood wuxuu ka waraabin sharaab daahir ah
22.Hubaal kani waa abaalgud aad leedihiin, oo dadaalkiinnii waa la idiin gudi oo ajar weyn la idinka siin
23.Hubaal! Annaga Naf ahaanteenna baa kuu soo waxyoonnay Qur’aaanka (Nabi Muxammadow) annagoo u soo waxyoonayna si qaybo ah
24.Ee sug si samir leh Xukunka Rabbigaa, oo ha adeecin dambiile iyo abaal darne midkoodna ka mid ah iyaga
27.Hubaal! Kuwakani waxay jecel yihiin noloshatan adduunka, oo waxay mariyaan gadaashooda (oo dan u gelin)Maalin culus
28.Annagaa abuurnay iyaga, oo adkaynnay seedahooda, oo haddii aan doonno Waxaan ku beddeli karnaa kuwo kale oo la mid ah beddelid dhan
31.Wuxuu ka yeelaa kii uu doono inuu geliyo Naxariistiisa, oo daalimiinta (mushrikiinta,gaalada,dambiilayaasha,iwm) Wuxuu u diyaariyey cadaab xanuun badan