1.Dheh: Waxaa la ii waxyooday inay koox Jin ahi dhegaysteen (Dhambaalkan). Markaasay yidhaahdeen: hubaal waxaanu maqallay Qur'aan cajab leh
6.Oo waxay rag ku jira insiga magan galeen rag ku jira jinka, markaasay u kordhiyeen dhib iyo culeys (dambi)
8.Oo waxaan innagu doonnay inaan gaarno samada, waxaanse la kulannay iyadoo laga buuxiyey ilaalooyin adag iyo danabyo
9.Oo waxaan ka fariisan jirnay halkaa rugag laga fariisto si aan u xadno maqalka, kiise (isku dayaa) inuu dhegaysto haatan wuxuu la kulmayaa danab sugaya
11.Oo waxaa naga mid ah kuwo wanaagsan iyo kuwo kaloo naga mid ah aan sidaas ahayn. waxaanu nahay kooxo raaca dariiqoooyin kala duwan
12.Oo waxaan ognahay inaan uga fakan karin (ciqaabka) Ilaahay dhulka, oo ugama fakan karno (ciqaabka) carar
13.Oo markaanu maqallay Hanuunka, waan rumaynay, oo mid kastoo rumeeya Rabbigi waa inuusan ka baqin khasaaro, ama inuu qabsado (dulli)
14.Oo waxaa naga mid ah kuwo hoggaansan (Muslimiin ah), oo qaarkayo waa kuwo (gaalo ah) ka leexda (Xaqa); ee mid kastoo u hoggaansan (Ilaahay), kuwaasi waxay raacaan jidka toosan
17.Si aan ugu imtixaanno. Oo mid kastoo ka jeesada Waanada Rabbigi, Wuxuu ka yeeli inuu galo cadaab sii kordheysa
19.Oo waxay markuu addoonkaa Ilaahay istaagay isagoo baryaya, durbaba ka sameeyeen hareerahiisa is buurasho badan
22.Dheh: Cidina igama celin karto (Ciqaabka) Ilaahay (Haddii aan ku caasiyo), mana ka heli karo sokadi wax ciirsi iyo agab ah
23.(Xilkeygu waa) oo keliya Gaarsiinta (Xaqa) ka yimid Allaah iyo Risaalooyinkiisa (towxiidka), oo mid kastoo caasiya Allaah iyo Rasuulkiisa, hubaal wuxuu mudan Naarta dabka ah, ay ku dhex waari doonaan weligood
24.Jeer markay arkaan waxa loogu gooddiyo, markaasay ogaan doonaan cidda gargaarahiisu tabar daran yahay oo tiro yar
25.Dheh: Anigu ma ogi in waxa la idiinku gooddiyo uu dhow yahay, ama in Rabbigay u yeeli doono waqti go’an
27.Mid maahee uu Isagu u doorto Rasuul ahaan, markaa wuxuu hubaal u yeelaa ilaalo socota hortiisa iyo gadaashiisaba
28.Si uu u ogaado inay run ahaan gaarsiiyeen Farriimaha Rabbigood, oo waa koobaa waxa xaggooda jira, oo tira koobaa wax walba