4.Iyo abuuristiinnaba iyo waxa uu ku firdhiyo (dhulka) oo nafley socota ah waxaa ugu sugan calaamooyin qolodii wax yaqiinsanaysa
5.Iyo isdhaafka habeenka iyo maalinta iyo waxa uu Allaah ka soo dejiyo daruurta oo risiq ah, markaas uu ku nooleeyo arlada dhimashadeeda kaddib, iyo isbeddelka dabaylaha waxaa ugu sugan calaamooyin qolo wax fahanta
6.Kuwakani waa Aayadaha Ilaahay oo aan kuugu akhrinno si xaq ah, marka warkee bay bay rumaysanayaan kaddib Allaah iyo Aayadihiisa
8.Ee maqla Aayadaha Ilaahay oo loo akhriyo, haddana ka dhega adayga isagoo islaweyn sida inaanu maqalba. Ee ugu bishaaree cadaab xanuun badan
9.Oo marka uu wax ka ogaado Aayadaha- yaga, wuxuu ka dhigtaa jees-jees. Kuwan weeye kuwa mudan cadaab dulleysa
10.Waxaa ka dambeysa Naar, oo halkaa wax uma tari doonaan waxna ka mid ah waxa ay kasbadeen, iyo midna kuwaa ay ka dhigteen gacallo Allaah ka sokow, oo waxay mudan cadaab aad u murugo weyn
11.Kani waa hanuun. Oo (ma xagga) kuwa rumeysan diida Aayadaha Rabbigood, wa- xay mudan cadaab xille oo xanuun badan
12.Allaah waa Kan idiin sakhiray badda, si ay ugu socdaan Doonyuhu dhexdeeda amarkiisa, iyo si aad u raadsataan Deeqdiisa, bal inaad mahad naqdaan
13.Oo Wuxuu idiin sakhiray wax kastoo ku sugan samooyinka iyo wax kastoo ku sugan arlada, dhammaan waa Gallad iyo Naxariis Xaggiisa ah. Hubaal Waxaa kani ugu sugan calaamooyin qolo fekerta
14.Waxaad ku dhahdaa kuwa (Xaqa) rumeysan inay iska3 dhaafaan kuwa aan ka cabsi qabin Ayaamaha Ilaahay4, si uu ugu abaal mariyo qolo waxa ay kasbadeen
15.Mid kastoo sama fala, naftiisay dan u tahay, oo mid kastoo xumaato fala, iyaday u daran tahay. Markaas waxaa dib la idiinku soo celin doonaa xagga Rabbigiin
16.Oo xaqiiq Waxaanu siinnay ilmahii Israa’iil Kitaabka iyo Xukunka5 iyo Nabinnimada, oo waxaanu siinnay wax ka mid ah waxyaalaha wanaagsan, oo waxaan ka kor marinnay dadkii waqtigoodii
17.Oo Waxaanu siinnay xujooyin cad oo arrimaha nolosha la xiriira, ismase khilaafin kaddib inta uu u yimid cilmiga maahee, xasad dhexdooda ah awgi. Hubaal Rabbigaa waa u kala garsoori doonaa dhexdooda Maalinta Qiyaamaha waxa ay isku khilaafeen
18.Markaas waxaanu kuu yeelnay waddo cad oo amar (keenna) ah ee raac adigu, oo ha raacin waxa liita ay rabaan kuwa aan wax ogeyn
19.Hubaal iyagu waxba kaagama tari doonaan xagga Ilaahay; oo hubaal gar ma qaatayaasha waa isu saaxiibbo qaarba qaarka kale Oo Allaah waa Gargaaraha iyo gacalka kuwa iska jira (xumaha)
21.Mise ma waxay kuwa kasbaday xumaha moodaan inaan la mid dhigi doonno kuwa (Xaqa) rumeysan oo samaha fala, oo noloshooda6 iyo geeridooda sinnaan doonaan? Xumaa sida ay u wax u xukumaan
22.Oo Allaah wuxuu u abuuray samooyinka iyo arlada xaq iyo in naf waliba laga abaal mariyo waxa ay kasbatay iyagoo aan lagu gardarroon doonin
23.Ee ma u fiirsatay midka ka yeesha hawadiisa ilaahiisa, oo Allaah u lumiyey ogaal oo daboolay maqalkiisa iyo qalbigiisa, oo yeelay caad araggiisa. Yaa haddaba hanuunin kara Allaah kaddib? Ee Mawaydaan waansameyn
24.Oo waxay yidhaahdaan: Ma jirto waxaan ahayn noloshayada adduunkan, waa iska noolaannaa7 oo dhimannaa oo nama halaagaan waxaan aheyn waayaha. umase laha (arrin)kaasi wax cilmi ah, way uun iska malo awaali
25.Oo marka Aayadahayaga cad loo akhriyo, dooddoodu ma aha wax kale aan aheyn inay yidhaahdaan: (Dib) Noogu keena aabbayaashayo (meytan) haddii aad run sheegaysaan
26.Dheh: Allaah baa idin siiya nolol, haddana sababa inaad dhimataan, haddana wuxuu idiin soo kulmin doonaa Maalinta Qiyaamaha aan shakiga ku jirin, laakiinse dadka badankiisu ma oga
27.Oo Allaah baa iska leh Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arlada. Oo Maalinta ay Saacaddu dhici doonto, Maalintaas bay khasaari doonaan kuwa sheega waxyaalo aan jirin oo been ah
28.Oo waxaad arki doontaa ummad waliba iyagoo jilbo jabsan, ummad kasta waxaa loogu yeedhi Kitaabkeeda; Maanta waxaa la idinku abaal marin waxa aad fasheen
30.Ma kuwa (Xaqa) rumeeyey oo sama falay, Rabbigood wuxuu ka yeeli doonaa inay galaan Naxariistiisa, arrinkaasi weeye Liibaanta Wayn
31.Ma kuwase gaaloobay: Sow ma ahayn Aayadahayga kuwo la idiin akhriyo? waxaadse aheydeen kuwo isla weyn oo waxaad aheydeen qolo dambiilayaal ah
32.Oo marka la yidhaahdo: Hubaal Ballan qaadka Ilaahay waa Xaq, oo xagga Saacadda, shaki kuma jiro waxaad tidhaahdeen: Ma naqaan waxay Saacaddu tahay, oo ma fileyno (inay dhaceyso) inkastoo aan uun maleyno malo (aan xag jirin), oo ma nihin innagu kuwo huba
34.Oo waxaa la odhan: Maanta waan idin halmaameynaa sida aad u halmaanteen la Kulanka Maalintiinnaan, Oo hoygiinnu waa Naarta, oo ma jirto cid idiin soo gargaari
35.(Arrin)kaasi waxaa ugu wacan inaad ka dhigateen Aayadahii Ilaahay jees-jees, oo noloshii adduunka baa idin hodday. marka Maanta lagama soo saari doono halkaa, oo lagama yeeli doono cudur daarasho
36.Ee Allaah baa mudan ammaan idilkeed iyo mahadba, Rabbiga samooyinka iyo Rabbiga arlada, Rabbiga uunanka