5.Oo waxay yidhaahdaan: Quluubtayadu waa ka daboolan yihiin waxa aad noogu yeedho3, oo waxaa ah culeys dhegahaya- ga, oo daah baa xidhan dhexdeenna innaga iyo adiga, ee camal falo; innaguna sidoo kale waanu camal falaneynaaye
6.Dheh: Anigu waxaan uun ahay qof idinla mid ah aan waareyn, waxaa la ii waxyooday inuu ilaahiinnu yahay hal ilaah, sidaas darteed raaca dhabbaha toosan Xaggiisa ah, oo weydiista dambi dhaaf Isaga, oo Hoog waxaa leh Mushrikiinta
7.Kuwa aan u iman (diinta) daahirka ah (Islaamka, ee aan tukan oo bixin Zakada) ee ah kuwo aan rumeysnayn Aakhirada
8.(Ma xagga) kuwa (Xaqa) rumeysan oo samaha fala. Waxay hubaal mudan Abaal gud aan marnaba go’i doonin
9.Dheh: Ma waxaad dhab ahaan rumeysan la’dihiin Kan ku abuuray arlada labo maalmood oo u yeeshaan shariigyo (xagga cibaadada)? Kaasi waa Rabbiga uunanka
10.Oo wuxuu yeelay gudaheeda buuro uu kor dhigay, oo wuu barakeeyey halkaas gudaheeda oo uu ku qaddaray cuntooyinkeeda afar maalmood gudahood, isle’eg kuwa doonaya (inay ogaadaan)
11.Kaddib Wuxuu abbaaray xagga samada iyadoo qiiq ah, markaasuu wuxuu ku yidhi iyada iyo arladaba: Ku kaalaya labadiinnu- ba oggolaansho ama khasab; waxay laba- duba yidhaahdeen: Waxaan ku imaaneynaa oggolaansho
12.Markaasuu wuxuu guddoonshay toddoba samood ahaan labo maalmood gudahood, oo wuxuu u waxyooday sama waliba arrinkeeda. Oo waxaynu ku qurxinnay samada soke xiddigo iftiimaya, isla markaana xafid4 u ah. Arrinkaasi waa Qaddarka Adkaadaha, Wax kasta Ogsoon
13.Haddiise ay jeesadaan, markaa dheh: Waxaan idiinka digay biriq la mid ah biriqdii ku dhacday Caad iyo Thamuud
14.Markay Rusushu ugaga yimaadeen hortooda iyo gadaashoodba5 (iyagoo ku leh): Ha caabudina cidaan ahayn Allaah. Waxay yidhaahdeen: Haddii uu Rabbigayo doono6, wuxuu xaqiiq soo dejin lahaa malaa’ig. Ee innagu waxa la idinla soo diray ma aanu aaminsanin
15.Marka ma Caad, iyagu waxay isku kibriyeen arlada xaq darro, oo waxay yidhaahdeen: Yaa naga adag quwad ahaan innaga? Mawaysan arag in Allaah ee abuuray uu ka adag yahay quwad ahaan iyaga.Oo waxay beeniyeen Aayadahayaga
16.Markaas baan u dirnay dabayl hugmaysa maalmo baas u leh, si aan uga yeelno inay dhadhamiyaan cadaabta dulliga nolosha adduunka gudaheeda, oo run ahaan cadaabta Aakhiro baa ka sii dulleyn badan iyagoo aan loo gargaari doonin
17.Oo ma xagga Thamuud, waxaan tusnay dhabbaha toosan, waxayse ka door bideen indha la'aan (habow) halkii hanuunka, mar- kaasaa waxaa ku dhacay biriq cadaab wax dulleysa, waxa ay galabsadeen awgeed
20.Kolka ay ku yimaadan, dhegahooda iyo indhahooda iyo hargahooda baa ku marag furi doona wixii ay fali jireen darteed
21.Oo waxay ku odhan hargahooda: Maxaad noogu marag furteen? Waxay odhan: Allaah, ee ka hadliya wax walba baa naga hadliyey, oo Isaga baa idin abuuray kal horeba, oo Xaggiisa baa dib la idiinku soo celin doonaa
22.Oo ma aydaan is asturin si aysan dhegahiinna7 iyo indhahiinna iyo hargahiinna idiinku markhaati furin, laakiinse waxaad mooddeen inaanu Allaah ogeyn in badan oo waxa aad fasheen ah
23.Oo kaasi Malihiinna (xun) aad ku maleyseen Rabbigiin, waa waxa idin halligay, markaas baad ka mid noqoteen kuwa khasaaray
24.Marka haddii ay u adkaysan (iyo haddii kaleba) waa Naarta hoygooda, oo haddii ay dalbaan in loo cudur daaro, haddaba ma ka mid aha kuwa laga aqbali doono cudur daaraasho
25.Oo Waxaanu u yeellay saaxiibbo8 ku laran markaasay u qurxiyeen waxa hortooda ah iyo waxa gadaashooda9 (oo dambiyo) ah, oo waxaa ku dhaboobay Qawlka (cadaabta) sida uu ugu (dhaboobayba) kuwo ka mid ahaa ummadahii hortood tegay oo jin iyo insiba leh – inay iyagu hubaal ahaan doonaan kuwo khasaaraya
26.Oo kuwa xaqa diida waxay yidhaah- daan: Ha dhegaysannina Qur’aankan oo ku fura buuq10 waa intaasoo aad adkaataane
27.Sidaas darteed hubaal Waxaanu dhadhansiin kuwa xaqa diida cadaab daran, oo hubaal waxaan u abaal marin si waafaqsan wixii u xumaa ay fali jireen
28.Kaasu waa abaalka cadawyada Ilaahay: Naar, waxay u noqon iyaga Daar lagu waaro, waa abaal marinta Aayadahayaga ay diidi jireen darteed
29.Oo kuwa xaqa diida waxay odhan: Rabbiyow! Na tus kuwii na lumiyey oo jin iyo insiba lahaa, si aanu u marinno cagahayaga hoosteeda, oo ay u noqdaan kuwa ugu hooseeya
30.(Ma xagga) kuwa yidhaahda: Rabbiga- yo waa Allaah, markaa haya oo ku socda jidka toosan malaa’igtaa ku soo degta (waqtiga dhimashadood iyagoo leh): Ha cabsannina, hana murugoonnina, oo ku far- xa warka san ee Jannadii la idiin yaboohay
31.Annagaa baa ah gacalkiin nolosha Adduunkan iyo Aakhiradaba, oo waxaad ku heli doontaan gudaheeda waxa ay nafahiinnu doonaan, oo waxaad ku heli doontaan gudaheeda wixii aad dalabtaan
33.Oo yaa ka hadal wanaagsan kan ugu baaqa (dadka) xagga Ilaahay, kaasoo isagu naf ahaantiisa sama fala oo yidhaahda: Waxaan anigu hubaal ka mid ahay kuwaa hoggaansan (Muslimiinta)
34.Oo ma sinna samaanta iyo xumaantu, ka hor gee (xumaha) waxa wax u wanaag- san, markaas eeg! kii ay idiin dhexeysay isaga iyo adiga cadaawadi (wuxuu noqona- yaa) sidii saaxiib aad isku weyn tihiin
35.OO lama siiyo (tilmaantaa la soo xusay) waxaan ahayn kuwa samir yeesha, oo lama siiyo waxaan aheyn mid leh nasiib aad u weyn
36.Oo haddii juqjuqeyn shaydaan kuugu juqjuqeyso wax xumaan ah ka magan gal Ilaahay. Hubaal waa Isaga wax kasta Maqlaha, wax kasta ogsoon
37.Oo Calaamooyinka (Ilaahay ee muujin Weynadiisa iyo Awooddiisa) waxaa ka mid ah habeenka iyo maalinta iyo qorraxda iyo dayaxa. Ha u sujuudina qorraxda iyo dayaxa midna ee u sujuuda Allaah ee abuuray iyaga, haddii uu Isagu yahay Kan aad caabuddaan
38.Haddiise ay yihiin kuwo isla weyn, haddaba kuwaa ah Rabbigaa agtiisa ( malaa’igta) baa xurmo weyneeya oo hufa habeen iyo maalinba oo kama daalaan
39.Oo Calaamooyinkiisa waxaa ka mid ah inaad aragto dhulka oo bas (abaar) ah, markase aan ku soo da’inno biyaha uu gilgisho oo soo kor noqdo. Hubaal Kan nooleeya wuxuu xaqiiq nooleyn doonaa maytida. Hubaal wax walba waa uu Karaa
40.Hubaal kuwa ka iisha dhabbaha toosan xagga arrinka Aayadahayaga13 ma aha kuwo naga qarsoon. Ma mid lagu tuuro Naarta baa khayr badan, mise mid yimaada isagoo nabad ah Maalinta Qiyaamaha? Fala waxaad doontaan. hubaal Waa uu arkaa waxa aad fashaan
42.Baadil ugama imaan doono hortiisa ama gadaashiisa16; waa waxyi ka yimid xagga Xikmad Badanaha, la ammaano
43.Waxba lagu odhan maayo aan ka aheyn wixii lagu yidhi dhab ahaan Rusushii kaa horreysay. hubaal Rabbigaa waa Rabbiga Dambi dhaafka leh, iyo Rabbiga leh Ciqaab Xanuun Badan
44.Oo haddii aan ka dhigi lahayn Qu’raan af shisheeye ku soo dega, waxay dhab ahaan odhan lahaayeen: Maxaa Aayadihiisa looga dhigi waayey kuwo cad? Waa maxay acjami (carrab) shisheeye isagoo Carab ah? Dheh: Wuxuu u yahay kuwa rumeysan hanuun iyo caafimaad. (Ma) kuwase aan rumeysnayn waxaa ah culeys dhegahooda,oo waa ka indha la' yihiin, kuwa waxaa looga dhawaaqaa meel fog
45.Oo dhab ahaan waxaanu siinnay Muuse Kitaabka, waase la isku khilaafay. Oo haddii aysan jiri lahayn erey ka hormaray Rabbigaa, waa la kala xukumi lahaa dhexdooda, waxayse hubaal iyagu ka qabaan shaki walaac leh
46.Mid kastoo sama falaa naftiisay (dan) u tahay, oo mid kastoo xumaan falaa isagay u daran tahay, oo Rabbigaa ma aha mid ku gardarrooda addoommaha
47.Xaggiisa baa loo celiyaa cilmiga Saacadda17, oo kama soo baxaan wax ka mid ah midhaha galalkooda, mana jirto dheddig uur qaaddaa, kumana dhasho waxaan aheyn Ogaalkiisa. Oo Maalinta marka uu u yeeri doono: Meeye (kuwii aad ku magacowdeen) shurakadeyda18? Waxay odhan: Waxaan ku ogeysiineynaa inuusan nagu jirin mid marag ka ah
48.Oo waxay waayi doonaan waxay horey ugu dhawaaqan jireen, oo waxay yaqiinsan inaysan laheyn meel ay u baxsadaan
49.Aadmigu marnaba kama daalo khayr bariga, oo haddii uu shar taabto, markaas waa quustaa, rajo beel ah
50.Oo haddii aan ka yeelo inuu dhadhamiyo naxariis Xaggayaga ah kaddib dhibaato taabatay, xaqiiq wuxuu odhan: Kan waa xaggeyga aniga19, oo anigu ma qabo Saacaddu inay dhici doonto, oo haddii la ii celiyo xagga Rabbigay, waxaan xaqiiq ka heli agtiisa wanaag. Waxaanse hubaal Annagu u sheegi doonnaa kuwa gaaloobay waxay faleen oo waxaan hubaal ka yeeli inay wax ka dhadhamiyaan Cadaab Qallafsan
51.Oo marka aan u nicmeyno Aadmiga, wuu jeesadaa oo dhinac u baxaa, oo marka ay dhibaato taabato, wuxuu la yimaadaa ducooyin dheer
52.Dheh: Bal ii sheega haddii uu ka yimid (Qur’aanka) xagga Ilaahay, markaas aad ku gaalowdaan, _yaa ka lunsanaan badan kan ku talax taga cinaad fogaaday
53.Waxaan durbaba ka tusi doonnaa Calaamooyinkayaga koonka iyo xagga nafahoodaba ilaa ay uga caddaato inuu (Alle, Qur’aanka) yahay Xaq. Ma wuusan ku fillayn Rabbigaa inuu u jeedo wax walba oo ka yahay markhaati
54.Ogaada, hubaal, Waxay ka shaki qa- baan la kulanka Rabbigood, ogaada, hu- baal, Wuxuu koobaa wax kasta oo Ku Xeeran yahay