8.Hubaal Waxaanu u surnay mareegyo bir ah luqumahooda oo iyagu gaara ilaa gararkooda, sidaa awgeed waxay u taagaan madaxyadooda dusha sare
9.Oo Waxaanu yeellay hortooda xidh, gadaashoodana xidh kale, oo waan arag daboolnay marka iyagu wax ma arkaan
11.Waxaad uun u digi kartaa kan isagu raaca Waanada oo ka baqa Raxmaanka sir (iyo saaqba). Ee ugu bishaaree dambi dhaaf iyo abaalgud sharaf leh
12.Hubaal waxaanu nolol galinnaa meytida, oo waxaan qornaa waxa ay hormarsadeen iyo raadadkoodiiba, oo wax walbaa waxaynu ku koobnay2 (oo qornay) Kitaab cad (Looxa Maxfuudka)
13.Oo waxaad ugu soo qaadataa tusaale; (qisada) dadkii magaalada (Antaakiya), markii Rusushii (Ciise ku soo diray Amarka Ilaahay) ay u yimaadeen
14.Marka aan u soo dirnay Xaggooda labo, markaasay labadiiba beeniyeen, markaa- saan ku xoojinnay mid saddexaad, oo waxay yidhaahdeen: Hubaal waxaanu nahay rusul xaggiinna loo soo diray
15.Waxay yidhaahdeen: Ma ahidin waxba aan ahayn dad nala mid ah aan waadheyn, mana soo dejin Raxmaanku waxba, ee been uun baad sheegeysaan
18.Waxay yidhaahdeen: Hubaal innagu waa idin shareysannay, haddii aydaan joojin (waxa aad waddaan), hubaal waa idin dhagaxyeyn doonnaa, oo waxaa xaqiiq idinka taaban doona xaggayaga cadaab aad u xanuun badan
19.Waxay yidhaahdeen: Shareysigiinnu waa la jirkiin, ma in la idin waaniyey darteed3? Mayee, waxaadba tihiin qolo xadgudub badan
20.Oo waxaa ka yimid magaalada dhan- keeda shishe nin (Xabiib An-Najaar) roora- ya, wuxuu yidhi: tolkayow! Raaca Rususha
22.Oo maxaan u heystaa sabab inaan caabudin (Allaah Keliya) ee ah kan ifka i keenay? oo Xaggiisa baa la idin soo celin doonaa
23.Oo ma waxaan yeeshaa Isaga (Alle) sokadi ilaahyo (kale), haddii uu Raxmaanku (Allaah) ila doono dhibaato, ayan i tari doonin garab siintoodu waxba, oo aan awoodi doonin inay i badbaadiyaan
28.Oo uma aanu soo dirin dadkiisii isaga kadambow wax ciidan ah aan kaga keennay samada, mana aanu falno sidaas
31.Mawaysan u fiirsan intee baan facyo ka mid ah rognay hortood, waayo iyaga xaggooda umaba soo laabtaan
33.Oo waxaa Calaamo u ah arlada meydka ah, waanu nooleynaa, oo ka soo saarnaa haruur, markaasay wax ka cunaan
34.Oo Waxaanu yeellaa dhexdeeda beero timir ah iyo canabyo, oo yeelnaa ilo (biyo ah) inay ka dhex socdaan
35.Si ay u wax uga cunaan midhahiisa, oo ma ayan sameyn gacmahoodu5. Ee Ma waysan haddaba mahad naqeyn
36.Waxaa xurmo oo dhan iska leh oo nazahan Kan ka abuuray lammaane wax kasta, oo ka mid ah waxa uu dhulka soo saaro, iyo xagga nafahooda iyo xagga waxa aysan ogaynba
38.Oo qorraxdu waxay u oroddaa muddo loo cayimay.(arrin)kaasi waa Qaddarka (Ilaahay) Adkaadaha aan laga adkaan, wax kasta Ogsoonaha ah
39.Oo (ma xagga) dayaxa, Waxaanu u qaddarnay heerar uu maro ilaa uu soo noqdo mar kale sida laan timireed qallalan oo gabowday
40.Looma oggola qorraxda inay haleesho dayaxa, habeenkuna ma ka hormi karo maalinta. Oo dhammaan waxay ku dabaashaan mareeg (garangar) dhexdi
43.Oo haddii aan doonno, waanu qarqin karnaa, markaa ma lahaan doonaan wax u u soo gurmada, lamana badbaadin doono
45.Oo marka lagu yidhaahdo: Iska jira waxa ah hortiinna iyo waxa ah gadaashiinna7 si la idiinkugu naxariisto
47.Oo marka lagu yidhaahdo: Wax ka bixiya waxa uu Allaah idinku irsaaqay, kuwa (Xaqa) rumeysan diida waxay ku yidhaahdaan kuwa rumeysan: Ma waxaan quudinnaa` mid haddii uu Allaah doono uu quudin lahaa? Idinku kuma sugnidin waxaan ahayn habow caddaan ah
51.Oo buunka baa la aafuufi10, mise kolkaa bay qubuurahooda ka soo yaaci iygoo u degdegaya xagga Rabbigood
52.Waxay odhan doonaan: Hoog baa noo sugnaadaye! Yaa naga soo kiciyey meeshayadii aan hurudnay? Kanu waa waxa uu Raxmaanku ballan qaaday, oo Rusushii la soo diray run bay sheegeen
53.Ma ahaaneysa wax kale aan aheyn hal Qaylo keliya, Mise kolkaa! Waxay dhammaan ahaan doonaan kuwo Hortayada la keeno
54.Marka Maanta nafna laguma gardarroon doono in yarba ahaatee, oo ma la idinku abaal marin doono wax kale aan ahayn waxaa aad fasheen
55.Hubaal, ehlu-Jannuhu, waxay maalin- taas ku sugnaan shuqul (la raaxeysi afooyinkooda) iyagoo aad u faraxsan
60.Mawaanan idiin xil saarin Ilma Aadanow inaydaan caabudin Shaydaan? Hubaal, wuxuu idiin yahay cadow cad
62.Oo dhab ahaan wuxuu (Shaydaan) habaabiyey dad badan oo idinka mid ah. Mawaydaan aheyn kuwo wax garta
65.Maalintaasi Waxaynu dabooli afafkoo- da, oo gacmahooda baa nala hadli doona, oo lugahooda baa ku marag furi doona waxay kasbadeen
66.Oo haddii aan doonno, waxaan hubaal malaasaynaa indhahooda, markaasay hadba dhinac u cararayaan iyagoo raadinaya Jidka, Sidee bayse u arkayaan
67.Oo haddii aan doonno, waxaan hubaal ku masakhaynaa halkooda, markaas ma karayaan inay horey u sii socdaan, mana soo noqon doonaan
68.Oo mid kastoo aan siinno cimri dherer, Waanu tabar yareynaa abuur ahaan (oo asaasiqinnaa). Ee mawaysan haddaba garaadsaneyn
69.Oo ma aanu barin isaga (Nabi Muxammad) gabay, mana aha wax ku habboon. Kani ma aha waxaan ahayn Waano iyo Qur’aan caddaan ah
71.Mawaysan arag inaan u abuurnay xoolo ka mid ah waxa ay gacmahayagu sameeyeen, ay iyagu hantaan oo leeyihiin
72.Oo Waan u laylinnay iyaga, sidaa awgeed qaarkood waxay u adeegsadaan rukuub ahaan, oo qaar waa ay cunaan
75.(Ha yeeshee) ma kari doonaan inay u gargaaraan, oo iyaga (naf ahaantooda) baa u ah ciidan u soo gurmada
76.Ee yuusan hadalkoodu ku murugo gelin, hubaal Waan ognahay waxa ay u falaan qarsoodiga iyo waxa ay caddaystaanba
78.Oo wuxuu soo qaataa tusaale uu annaga noola dan leeyahay, oo hilmaamaa abuuristiisa. Wuxuu yidhaahdaa: Yaa nooleyn doona lafaha marka ay baaliyoobaan
79.Dheh: Waxaa nooleyn doona Kan ifka keenay kolkii horeba. Oo Isagu (Alle) waa u Xog ogaal uunka oo idil
81.Ma wuusan (Alle ee ah) Kan abuuray samooyinka iyo arlada awoodin inuu abuuro iyagoo kale17? Haaheey, oo Waa Isaga Abuuraha, wax kasta Ogsoon
83.Ee xurmo oo dhan waxaa iska leh oo nazahan Kan (Allaah) ay Gacantiisu ku jirto Xukunka wax kasta, oo Xaggiiisa baa dib la idiinku soo celin doonaa