4.Hubaal, Fircoon waa isku sare yeelay arlada oo ka yeelay dadkeedii kooxo, isagoo daciifinaya qolo (ilmahii Israa’iil) ka mid ah, gowracaya wiilashooda, oo u deynaya nolol haweenkooda. hubaal, wuxuu ka mid ahaa Mufsidiinta
5.Oo Waxaanu doonnay inaan u galno wanaag kuwii looga arkay daciif arlada, oo ka yeello hooggaamiyayaal, oo aan ka yeello dhaxlayaasha
6.Oo aan ku awood siinno iyaga arlada oo aan ka yeelno Fircoon iyo Haamaan iyo askartoodii2 inay arkaan waxay ka digtoonaayeen
7.Oo Waxaanu u waxyoonnay Muuse hooyadi (Annagoo leh): Nuuji isaga (Muuse), markaadse aad u cabsato, ku tuur webiga, oo ha cabsan, hana murugoon. hubaal, Annaga baa kuu soo celin, oo ka yeeli mid ka mid ah Rususha
8.Oo reer Fircoon baa soo qaatay si uu ugu noqdo cadow iyo (sabab u keenta) ciil iyo murugo. Hubaal Fircoon iyo Haamaan iyo askartoodii waxay ahaayeen kuwo gef badan
9.Oo marwadii Fircoon waxay tidhi: Waa il qabawsigeenna aniga iyo adigaba. Ha dilina, waa intaasoo uu na anfaco ama aan ka dhiganno wiil, oo ma ay dareemin
10.Oo qalbigii Muuse hooyadi wuxuu ahaaday mid (ka) maran (arrin kaloo dhan aayootiinka wiilkeeda Muuse ma ahee) . Waxay ku sigatay inay kashifto (arrinkiisa) haddii aan xajinneen qalbigeeda si ay uga mid ahaato mu’miniinta
11.Oo waxay ku tidhi walaashiis: Raad raac. markaas bay ka jeedaalisay meel fog si qarsoodi ah iyagoo aan dareemeyn
12.Oo Waxaanu horey u qaddarnay inuu diido nuujiso (kale) oo dhan4, markaasay (walaashiis timid oo) tidhi: Ma idin tusaa reer idiin daryeelaya, oo iyagu u roonaan doona
13.Sidaas baan ugu soo celinnay hooyadiis si ay u il qabawsato oo u murugoon, oo u ogaato in wacadka Ilaahay Xaq yahay, laakiinse dadka badankiisu ma ogsoona
14.Oo markuu tabar galay oo buuxsamay (nin ahaan), Waxaanu siinnay xikmad iyo aqoon. Oo sidaas baan ku abaal marinnaa sama falayaasha
15.Oo wuxuu soo galay magaaladii goor ay war la' yihiin dadkeedu5, markaasuu wuxuu kula kulmay halkaa labo nin oo diriraya_oo midi ka mid yahay qoladiisa6 (diintiisa_ka mid ahaa ilmahii Israa’iil) kan kalena ka tirsan yahay cadowgiisa. Oo ninkii qoladiisa ahaa baa uga kaalmo warsaday oo qeyshaday xagga kii ahaa cadowgiisa, markaas buu Muuse feedhay mar keliya oo kaw kaga siiyey. (Muuse) wuxuu yidhi: kanu waa camal Shaydaan, hubaal waa cadow, wax dhumiya oo cad
16.(Muuse) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Waxaan gef u geystey naftayda ee ii dambi dhaaf, markaas buu u dambi dhaafay, hubaal, Allaah waa Isaga Dambi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan
17.(Muuse) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Waxa aad iigu nicmaysay darteed, marnaba dib dambe uguma noqon doono caawiye dambiilayaasha
18.Oo wuxuu ku sugnaa magaalada isagoo cabsanaya, war sugaya, mise kii gargaarka warsaday maalintii hore baa u qeyshanaya inuu u soo hiilliyo (mar kale). (Muuse) wuxuu ku yidhi: Adigu wax aad tahay baadiyeeye iska cad
19.Markuu se doonay inuu qabto (oo wax yeelo) kii cadowga u ahaa labadoodaba, wuxuu ( kii loo gargaarayey ama kii cadowgaada ahaa) yidhi: Muusow! Ma waxaad dooneysaa inaad I disho sidii aad u dishayba naf (kale) shalay? Ma dooneysid waxaan aheyn inaad ka noqoto jujuubaa isla weyn arlada, oo ma dooneysid inaad ka mid noqoto kuwa wax wanaajiya
20.Oo nin baa yimid rooraya magaalada xaggeeda shishe. Wuxuu yidhi: Muusow! hubaal xildhibaannadii waxay ku tashanayaan inay ku dilaan ee baxso. Waxaan anigu kuu ahay daacad’e
21.Markaas buu ka baxay xaggeeda. Isagoo cabsanaya digtoon. (oo) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Iga badbaadi dadkaa gar ma qaatayaasha ah
22.Markuu u jeedshay wejigiisa xagga (arlada) Madyan wuxuu yidhi: Waa intaasoo Rabbigay igu hanuuniyo dhabbo Toosan
23.Markuu soo gaaray biyihii Madyan wuxuu ka helay halkaa koox rag ah oo waraabsanaya (xoolahooda), sokadoodana wuxuu ka helay labo haween ah oo horaya (xoolahooda). (Muuse) wuxuu yidhi: Muxuu xaalkiinnu yahay? Waxay yidhaahdeen: Ma waraabinno (xoolaheenna) jeer ay raacata- du fulaan oo kaxeystaan (xoolahooda), aabbahayana waa oday weyn oo duq ah
24.Markaasuu u waraabiyey (xoolahoodii), markaas u jeesaday oo aaday xagga meel har leh, oo yidhi:Rabbiyow! Waxaan u baahi qabaa wax kastoo khayr ah aad I soo dirto
25.Markaas labadii gabdhood middood baa u timid iyadoo u soconaysa si xishood leh oo tidhi: Aabbahay baa kuu yeedhaya si uu kuu siiyo abaalgudka waraabintii dar- teed aad noo waraabisay (xoolahayaga). Oo markuu u yimid8 oo uga warramay qisa- dii dhacday, wuxuu yidhi: Ha cabsan. Waad ka badbaadday dadkaa daalimiinta ah
26.Oo waxay tidhi middood (labadii gabdhood): Aabbow ijaaro! Hubaal waxaa u fiican cid la ijaarto xoog badanaha, aamminka ah
27.Wuxuu yidhi: Waxaan rabaa inaa kuu guuriyo mid ka mid ah labadaydaan gabdhood, waxaase shardi ah inaad ii shaqeyso siddeed sano, haddiise aad buuxiso toban sano, waxay ahaan (axsaan) xaggaaga ah, oo ma doonayo inaan ku dhibo. Haddii Allaah idmo, waxaad iga heli doontaa mid ka mid ah kuwa wanaagsan
28.(Muuse) wuxuu yidhi: arrinkani waa (ballan) dhexdeenna ah aniga iyo adiga midkii aan labada muddo oofiyo, ma jiri doonto wax laygu colaadiyo, oo Alle baa ka damiin(markhaati)ah waxa aanu leennahay
29.Oo markuu dhammaystay Muuse muddadii, oo la tagay reerkiisii iyagoo jidka haya buu wuxuu ka arkay dhinaca buurta (Duur) dab, wuxuu ku yidhi reerkiisii: “Suga, waxaan arkay dab, waa intaasoo aan idiinka keeno war ama dhimibil dab ah si aad isugu diirisaan
30.Oo markuu yimid halkaa (dabkii), cod baa ka dhawaaqay dhanka midig ee togga ee rugta barakaysan ee geedka9 leh: “Muusow! Waxaan Anigu ahay Allaah, Rabbigii uunanka
31.Ee tuur ushaada. Markiise uu arkay iyadoo dhaq-dhaqaaqaysa oo la moodo mas, buu isgaddiyey, mana soo dhugan gadaal (waxaa la yidhi): Muusow! Kaalay soo dhowow, oo ha cabsan, hubaal waxaad tahay mid ka mid ah kuwa aaminka ah
32.Geli gacantaada goshaada, waxay noqon durbaba caddaan cudur la’aan, oo ku nab gacantaada garabkaaga si ay kaaga ba’do cabsida (aad ka qaadday maska, sidoo kalena gacantaadu waxay u noqon doontaa sideedii hore). Marka kuwakani waa labo caddaymo xagga Rabbigaa looga soo diray Fircoon iyo xildhibaannadiisa, hubaal waa qolo caasiyaal ahe
33.(Muuse) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Waxaan dilay nin ka mid ah, marka waxaan ka cabsi qabaa inay i dilaan
34.Oo walaalkay Haaruun baa iga faseexsan carrab ahaan ee ila dir garab ahaan si uu ii rumeeyo. Waxaan anigu ka cabsi qabaa inay I beeniyaan
35.(Allaah) Wuxuu yidhi: Waxaan ku adkeyn doonnaa cududdaada walaalkaa, oo idiin yeeleynaa labadiinnaba awood, marka idinma gaar siin karaan (wax dhib ah), ee Aayadahayaga dartood, idinka iyo intii idin raacda baa adkaan doona
36.Oo markuu Muuse ula yimid Aayadahayaga cad, waxay yidhaahdeen: Kani ma aha waxaan ahayn sixir la been abuurtay, mana aanaan ku maqal waxakan oo kale aabbayashayadii hore dhexdood
37.Oo Muuse wuxuu yidhi: Rabbigay baa ogsoon kan kala yimid hanuun xaggiisa iyo kan lahaan doona cidhibta wanaagsan Daarta10 Dambe ee Aakhirada. Hubaal gardarroolayaasha ma guuleystaan
38.Oo Fircoon wuxuu yidhi: Xildhibaannow! Anigu idiin ma ogi inaad leedihiin ilaah kale aan ahayn aniga, ee i huri dab Haamaanow lagu dul shido dhoobada11, markaa ii samee sar aad u dheer, si aan u soo day dayo ilaaha Muuse; oo hubaal waxaan qabaa in isagu yahay mid ka mid ah beenlowyada
39.Oo wuxuu isku kibriyey (Fircoon) xaq darro arlada isaga iyo askartiisuba, oo waxay moodeen inaan Xaggeenna loo soo celin doonin
40.Markaas baan qabannay isaga iyo askartiisiiba, oo ku tuurnay dhammaan badda12, ee fiiri sida ay ahayd cidhibtii gar ma qaatayaasha
42.Oo Waxaan raacinnay adduunyadan Lacnad, oo Maalinta Qiyaamaha waxay ka mid ahaan doonaan Kuwa la dulleeyey
43.Oo xaqiiq waxaanu siinnay Muuse Kitaabka (Towraadda) kaddib markii aan halaagnay qaaruumihii hore, isago xujooyin cad u ah dadka, iyo hanuun iyo naxariis, bal inay xusuustaan
44.Oo Adigu ma aad joogin dhinaca gal- beed (ee buurta), markaan u waxyoonnay Muuse amarka, oo ma aad ka mid aheyn kuwa ahaa goob joogga
45.Laakiinse Waxaan abuurnay Facyo (is xigsada Muuse kaddib) oo waxaa ku dheeraaday14 cumrigii. Oo adigu ma aheyn mid dhex joogay reer Madyan,adigoo u akh- rinaya Aayadahayaga. Laankiinse Annaga baa ku soo dirnay (Rusuul ahaan)
46.Oo adigu ma aad joogin dhinca Buurta (Duur) markaan u yeernay. Laakiinse (adiga waxaa laguu soo diray) naxariis ahaan xagga Rabbigaa si aad ugu digto dad uusan u imaan dige hortaa bal inay xusuustaan
47.Oo haddaysan jirin in markay ku dhacdo masiibo waxay gacmahoodu geysteen ( oo xumaan ah) darteed, markaasna ay yidhaahdeen: Rabbiyow! Maxaad noogu soo diri weyday Rasuul si aan u raacno Aayadahaaga oo aan uga mid ahaanno mu’miniinta
48.Markiise (haatan) uu Xaqa uga yimid Xaggagayaga, waxay yidhaahdeen: Maxaa loo siin waayey wax la mid ah wixii la siiyey16 Muuse? Ma waysan ku gaaloobin wixii la siiyey Muuse awal hore? Waxay yidhaahdeen: “Waa labo sixir (Towraadda iyo Qur’aanka) oo is kaalmaysta. Oo waxay yidhaahdeen: hubaal Innagu dhammaantood waan ku gaalownay
49.Dheh: Haddaba ka keena Kitaab (kale) xagga Ilaahay, oo ka hanuun wanaagsan labadooda, aan raacee, haddii aad tihiin run sheegayaal
50.Haddaysan ku ajiibin, markaa ogow inay uun raacaan hawadooda. Oo yaa ka dhunsanaan badan mid raaca hawadiisa hanuun la’aan xagga Ilaahay?Hubaal, Alle ma hanuuniyo dadkaa daalimiinta ah
52.(Ma xagga) kuwa aanu siinnay Kitaabka ( Towraadda iyo Injiilka, iwm) ka hor kani (Qur'aanka), _waa rumaysan yihiin17 waxa ku soo arooray (Qur’aanka)
53.Oo marka loo akhriyo (Qur'aanka), waxay yidhaahdaan: Waanu rumaysanna- hay. hubaal, waa Xaq ka yimid Rabbigayo. Hubaal waxaanu ahayn isaga ka horba kuwo hoggaansan oo Muslimiin ah
54.Kuwaan waxaa la siin doonaa ajar-kooda labo jeer sabarkoodii darti, oo waxay ku qaabilaan wixii xumaan ah samaan, oo wax ka bixiyaan waxaan ku irsaaqno
55.Oo markay maqlaan hadal macno darro ah way ka jeesadaan, oo yidhaahdaan: Waxaanu leennahay camalladayada, idinkuna waxaad leedihiin camaladiinna. Nabad gelyo18, ma rabno (dhaqanka) jaahiliinta
56.Hubaal! Ma hanuunin kartid (Nabi Muxammadow) ciddii aad jecleysato, laakiinse Allaah baa hanuuniya qofkuu doono. Oo Isaga baa cid kasta ka ogsoon kuwa hanuunsan
57.Oo waxay yidhaahdeen: Haddii aan kula raacno hanuunka, waxaa nalaga dafi dhul- kayaga19. Ma waannaan dejin Xaram aammin ah, oo midho nooc walba leh la keeno,_ risiq Xaggayaga ah, laakiinse badankoodu ma oga
58.Oo intee baan magaalo rognay, ku ki-birtay nolosheeda (caasiday Alle iyo Rusu- shiisa). Marka waa kuwan guryahoodii, aan la degin iyaga kadambow in yar ma ahee20 Oo waa Annaga dhaxlayaasha (u hara)
59.Oo Rabbigaa marnaba ma halaago magaalooyinka jeer uu u diro magaalada u hooyada ah (xaruntooda) Rasuul u akhrinaya Aayadahayaga. Oo marnaba ma halaagno magaalooyinka haddii ayan aheyn dadkeedu gar ma qaatayaal
60.Oo wax kastoo la idin siiyo oo wuxuun ahi waa uun sahay nolosha adduunkan iyo quruxdeeda, waxase (Aakhirada) Allaah agtiis ah baa khayr badan oo daa’insan. Ee mawaydaan haddaba garowsaneyn
61.Ma mid aan u ballan qaadnay ballan qaad wanaagsan (Janno) oo la kulmi doono, baa la mid ah mid aan siinnay sahayda nolosha adduunkan, markaas Maalinta Qiyaamaha ka mid noqon doona kuwa la soo xaadirnayo (la cadaabayo)
62.Oo Maalinta uu (Allaah) u yeedhi doono (mushrikiinta) oo odhan: Meeye kuwii aad u heysateen inay yihiin shurakadeyda
63.Kuwa uu Qawlka ku dhaboobi doono21 (in la ciqaabo) waxay odhan: “Rabbiyow! Kuwaani waa kuwii aan habaabinnay. Waxaan u habaabinnay sidii aan u habownay. Waxaan ka nahay bannaanka (iyaga) adiga hortaada. Ma aheyn innaga waxay caabudayeen
64.Oo waxaa lagu odhan: U yeerta Ilaahaydiinnii aad shurakada kala dhigteen, markaasay u yeedhan doonaan, mase siin doonaan wax jawaab ah, oo waxay arki doonaan cadaabta. Haddii uun ay raaci lahaayeen hanuunka
67.Ma qofkii se isagu ka toobad keena (shirkiga iyo macaasida) oo (Xaqa) rumeeya oo raaca oo fala camallo wanaagsan (nolosha adduunkan) waa intaasoo uu ka mid ahaado liibaanayaasha
68.Oo Rabbigaa wuxuu abuuraa oo doortaa wuxuu doono, ma leh iyaguse inay doortaan. Waa ka Nazahan Allaah oo ka Sarreeyaa waxay la wadaajiyaan cibaadada
70.Oo Waa Isaga Allaah (Macbuudka Xaqa ah), ma jiro Ilaah (Xaq ah) aan Isaga ahayn, Isaga baa ku leh ammaan o idil iyo mahadba tan hore (aduuunka) iyo tan dambaba ( Aakhirada), oo Isaga baa leh Xukunka, oo Xaggiisa baa idinka oo idil la idiin celin doonaa
71.Dheh: Ii sheega, haddii uu Allaah idiinka yeelo habeenka joogto tan iyo maalinta Qiyaamaha, Ma ilaah baa jira aan ahayn Allaah oo idiin keeni kara iftiin, ee mawaydaan wax maqleyn
72.Dheh: Ii sheega, haddii Allaah idiinka yeelo dharaarta joogto tan iyo Maalinta Qiyaamaha, Ma ilaah baa jira aan ahayn Allaah oo idiin keeni kara habeen aad ku xasishaan? Ee mawaydaan wax arkayn
73.Oo Waxaa ka mid ah Naxariistiisa, inuu idiin yeelay habeenka iyo maalinta si aad ugu nasataan iyo si aad u doonataan deeqdiisa, iyo inaad mahad naqdaan
74.Oo Maalinta aan u yeedhi doono (mushrikiinta) oo odhan: Meeye kuwaad u heysateen inay yihiin shurakadeyda ee aad ila wadaaajiseen cibaadada
75.Oo Waxaanu ka soo saari doonnaa ummad walba markhaati, oo odhan: Keena caddayntiinnii. Markaas bay ogaan inuu Garta leeyahay Allaah (Keliya), oo waayi doonaan waxay been abuuran jireen
76.Hubaal, Qaaruun wuxuu ka mid ahaa qolodii Muuse, wuuse ka fallaagoobay, oo waxaanu ka siinnay kaydadka wax aad u tiro badan heer furayaashoodu xaqiiq cusleyneysay jirka rag xoog leh. Waa tii ay qolodiisii ku yidhaahdeen: Ha farax taraarin (qooqin),hubaal, Alle ma jecla kuwa qooqa
77.Oo ku doono waxa (khayr) uu Allaah ku siiyey Daarta dambeysa, oo ha halmaamin qaybtaada ah adduunkan, oo sama fal sida uuba Allaah kuugu sama falay, oo ha la doonin fasahaad arlada. hubaal, Allaah ma jecla Mufsidiinta (kuwa wax bi'iya)
78.Wuxuu yidhi: Waxaa la igu siiyey kani oo keliya aqoonteyda. Ma wuusan ogayn inuu Allaah halaagay isaga horti qaaruumo, kuwo isaga ka xoog badan oo ka badan waxay isu keeneen. Oo dambiilayaasha waxba lagama weydiin doono dambiyadooda
79.Markaas buu u soo baxay qolodiisii hortood isagoo xarragoonaya oo ay u dhan tahay quruxdiisii. Kuwii doonayey nolosha adduunkan waxay yidhaahdeen: “Wayoo waye, haddii aan lahaan lahayn wax la mid ah waxa Qaaruun la siiyey? hubaal, wuxuu leeyahay nasiib aad u weyn
80.Kuwii se la siiyey cilmiga waxay yidhaahdeen: Magaciin bi'i waaye! Abaalka Allaah (ee Aakhirada) baa u wanaagsan kuwa (Xaqa) rumeysan oo sama fala , lamana waafajiyo waxaan ahayn kuwa samir yeesha
81.Markaas baan la goynay isaga iyo daartiisiiba dhulka. Marka ma uusan helin cid uga soo gargaarta xagga Allaah, mana ahayn mid ka mid kuwa is difaaci kara
82.Oo kuwii u hanqal taagayey (meeqaan la mid) meeqaankiisa maalintii horreysay waxay billaabeen inay yidhaahdaan: Shaki ma leh waa Allaah Kan u fidiya risiqa qofuu doono oo ka mid ah addoomahiisa ama ku cidhiidhiya. Haddii aysan jirteen in Allaah yahay mid noo Roonaan badan, wuxuu nala goyn lahaa dhulka (sidoo kale). Shaki ma leh in abaal laawe uusan liibaanin
83.(Ma xagga) taasi ah Daarta Aakhiro (Jannada) waxaan dhaxalsiin doonnaa kuwa aan ku dooneyn sarreyn dhulka, oo aan ku falin fasahaad. Oo cidhibta wa- naagsan waxaa leh kuwa iska jira xumaha
84.Qofkii la yimaada wanaag, wuxuu leeyahay wax ka khayr badan, oo qofkii la yimaada xumaan, laguma abaal mariyo kuwa fala camallada xun waxaa ahayn waxay faleen
85.Hubaal, Kan kugu faral yeelay Qur’aanka wuxuu xaqiiq dib kuugu soo celin doonaa Xagga halkii ballantu ahayd24. Dheh: Rabbigay baa cid kasta ka ogsoon kan isagu la yimid hanuun iyo kan ku sugan habow caddaan ah
86.Oo ma aad fileyn in Kitaabka laguu soo waxyoonayo, hase yeeshee waa Naxariis xagga Rabbigaa ah. Ee ha noqonin mid garab siiya gaalada
87.Oo yeysan kaa jeedin Aayadaha Ilaahay kaddib marka laguu soo waxyooday, oo ugu yeedh (dadka) xagga Rabbigaa, oo ha ka mid noqonin Mushrikiinta
88.Oo ha baryin la jirka Allaah ilaah kale. Ma jiro Ilaah (xaq lagu caabudo)aan Isaga ahayn. Wax waliba waa halaagsami doonaan Wejgiisa maahee26. Isaga baa leh xukunka, oo Xaggiisa baa idinkoo (dhan) la idiin celin doonaa