عبدالله حسن یعقوب · Soomaaliga, af Soomaali

1.(Tani) waa suurad aan soo waxyoonnay oo ka dhignay waajib faral ah, oo aan ku soo waxyoonnay Aayado cad cad bal inaad wax ku qaadataan
31.Oo ku dheh (oo amar) mu’minadaha inay ka laabtaan aragyadooda (xaaraanta) 19 oo ka ilaaliyaan xubnahooda gaarka ah (galmo xaaraan ah iyo qaawni) oo yeyna muujin quruxdooda20 wixii iska muuqda maahee21, oo ha ku soo dadaan gambooyinka madaxooda luqumahooda dushooda iyo laabahooda, oo yeyna u muujin quruxdooda waxaan aheyn nimankooda, ama aabbayaashood, ama abbayaasha nimankooda, ama wiila- shooda, ama wiilasha nimankooda, ama walaalahood, ama wiilasha walaalahood, ama wiilasha walaalooyinkood, ama haweenkooda, ama kuwaa ay gacmahoodu midig hantaan, ama kuwa raacsan ee labka ah oo aan laheyn haweysi dumar22, ama ilmaha aan weli yeelan dareen ay ku fiirsadaan cawro dumar. Oo yeysan ku garaacin (dhulka) lugahooda si loo ogaado waxa ay qariyaan oo quruxdooda ah. Oo u toobad keena Allaah idinkoo dhan, mu’miniintoy, si aad u liibaantaan
33.Oo waa inay kuwaa aan heli karin waxay ku guursadaaan ku sugnaadaan dhowrsanaan inta uu Allaah kaga hodmin Fadligiisa. Oo (ma xagga) kuwa dalba qoritaan (is-xoreyn) ee ka mid ah kuwaa ay gacmahiinna midig hantaan, siiya qoraalkaasi, haddaad ku og tihiin wanaag. Oo wax ka siiya maalka Allaah uu idin siiyey. Oo ha ku qasbina gabdhahiinna addoonadaha ah dhillannimo haddii ay rabaan inay ku sugnaadaan dhowrsanaan, idinkoo doonaya sadka dhammaanaya ee noloshan adduunka. Oo mid kastoo ku qasba, haddaba hubaal Allaah, ku qasbiddooda kaddib waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan
58.Kuwiinaan idinku rumeysanow! Waa inay kuwaa ay gacmahiinnu midig hanataan iyo kuwa idinka mid ah aan weli qaan gaarin (inta ay idiin soo gelin) weydiistaan idan saddex waqti32; ka hor salaadda subax, iyo marka aad dharka dhigataan duhurkii kuleylaha, iyo kaddib salaadda cishaha; kuwani waa saddex waqti gaar idiin ah, idinma saarna dembi idinka iyo iyagaba waxaan ahayn waqtiyadan in qaarkiin u soo galaan qaar kale, _ idan iyagoon qaadan. Sidaas buu Allaah idiinku caddeeyaa Aayadaha. Oo Allaah waa wax kasta ogsoone, Xakiim ah
61.Ma saarna dhib Indhoolaha, oo ma saarna dhib laan garaha, oo ma saarna dhib bukaan qabka, iyo nafahiinnaba inaad wax ka cuntaan guryihiinna, ama guryaha aabbayaashiin, ama guryaha hooyooyinkiin, ama guryaha walaalihiin, ama guryaha walaalooyinkiin, ama guryaha adeerradiin, ama guryaha eeddooyinkiin, ama guryaha abtiyaashiin, ama guryaha habaryarahiin, ama waxa aad hanataan furayaashooda35, ama (guryaha) saaxiibkiin, oo idinkuma saarna dambi haddii aad wax u cuntaan wadajir ama kala jir. Haddaba marka aad galeysaan guryaha, ku salaamo dadkiinna salaan xagga Ilaahay ah, barakaysan (oo) wanaagsan36. Sidaas buu Allaah idiinku caddeeyaa Aayadaha si aad u fahantaan